Ramaax oo Joojiyay Sharciyad loo Samaystay Hanti Danguud ah

0
416

Burco(Dawan)- Guddoomiyaha gobolka Togdheer, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa sheegay in ay qabteen waraaqo sharci darro ah oo loo soo samaystay qaadashada hanti danguud ah oo kala duwan isla markaana isugu jirta dhul iyo dhismeyaal ay dawladdu leedahay,waraaqahaas oo uu tilmaamay in ay yihiin kuwo  aan sharci ahayn kana soo baxay wasaaradaha dawladda qaarkood xilligan kala guurka  ah lagu bixiyay hanti qaran.

Waxaanu intaa raaciyay in ay gabi ahaanba joojiyeen in hanti qaran oo danguud ah in waraaqo loo soo samaysan karo ama la bixin karo waxaanu sheegay in ay joojiyeen dhismeyaal sharci darro ah oo lagu qaadanayay dhul dawladdu leedahay oo la iska dhisanayay,waxaanu amar faray dhammaan isuduweyaasha laamaha dawladda ee gobolka Togdheer iyo ciidanka booliska

Waxaanu uga digay gaacsato uu sheegay in ay wadaan hanti qaran boob in ay ka waantoobaan sifaha sahrci darada ah ee ay waraaqaha uga soo samaysanayaan xilligan qaar ka mid ah wasaaradaha ee ay ku doonayaan in ay ku qaataan Hanti qaran.

“Waxaanu soo saarnay qoraal ka hadlaya oo mamnuucaya in xilliga kala guurka la bixin karo hantida qaranka ka dib markaanau qabanay qoraalo bilaa summad ah oo ka soo baxay wasaaradaha qaarkood oo tilmaamaya in la bixiyay hangaradii la odhan jiray Inji iyadoo aan dawladdana hanta looga xeraynin iyadoo sifihii sharci ahaa ee daaraha loo iibin jiray ee gudiga qandaraasyada iyo gudigii karaka ahayd ee Madaxweynuhu u magacaabay midna aanay qoraal siinin,taa annagoo ka duulayna waxaan uga digayaa ganacsatada in ay waraaqo aan sal iyo raad lahayn usoo samaystaan hadhawna ay ku murmaan waxaanan u sheegayaa in aanay u shaqayn doonin,waxaan uga digayaa ganacsatada danaynaya hawlahaas ee kuwii ugu dambeeyay ay yihiin hangaradaa Injida oo ay ku jiraan kuwii beeyadaa ku jira waxaa ku jira suuqii maalintii dhawayd laga hadlayay ee ahaa suuqii bacadlaha oo sifihii Madaxweynuhu ku bixiyay sifo aan ahayn aan loo isticmaali karin.”

Goddoomiye Ramaax oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray. “digreeto Madaxweyne ayaanu haynaa digreetada Madaxweynaha waxbaa ku cad,waxaan farayaa dawladda hoose in aanay cidna mulkiyad u samayn karin sharci darro ah oo aan waafaqsanayn shuruucda dalka.”

Waxaa kaloo uu amar faray dhammaan isuduweyaasha laamaha dawladda ee gobolka Togdheer iyo ciidanka booliska ee heer gobol iyo degmoba isafoo faray in aan la dhisan karin dhulka dawladda lana bixin karin booliskana amar ku siiyay in ay joojiyaan cidkasta oo isku dayda in ay dhulka dawladda dhisato. “waxaan farataa dhammaan isuduweyaasha laamaha dawladda in  la dhisi karin lana bixin karin dhulka dawladda kuwa imika dhismuhu ka socdona la joojinayo labadii aanu imika(shalay) soo aragnayna aanu joojinay,waxaan leeyahay hala joojiyo dhismayaasha sharci darada ah ee hantida dawladda lagu boobayo ee lagu qaadanayo xilligan kala guurka ah ciddii amarkaa u hoggaansami waydana tallaabo ayaanu ka qaadaynaa.”

“Dhismayaashaa habeenkii iyo maalintiiba la wado ee sharci darada ah ee lagu qaadanayo hantida ummadda oo ay ka qayb qaadanayaan masuuliyiin waaweyn oo dawladda ka tirsan waxaan u sheegaynaa in tallaabo sahrciya laga qaadi doono oo aanay soconayn in hantida qaranka la boobo masuulka ku dhex milmana noocuu doono ha ahaadee tallaabo ayaanu ka qaadaynaa.”ayuu yidhi Guddoomiyaha gobolka Togdheer oo warbaahinta shalay kula hadlayay xafiiskiisa magaalada Burco

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply