Kumanaan Qof oo laga Daadgureeyay Dab ka Holcaya Koofurta Kaliforniya

0
448

Ilaa  27,000 oo qof degganaa ayaa lagu qasbay in ay ka cararaan guryahoodii saqdii dhexe kadib markii uu dab si xawli ah u ololayaa kaga yimi duurka kaasi oo baabiiyay koofurta Klaifoorniya.

Waxa kale oo la qorsheeyay in laga  qaxiyo dhawr kun oo kale magaalooyinka Ventura iyo  Santa Paula, oo ilaa  70 miles (115 km) waqooyiga ka xiga  Los Angeles.

Kooxaha dbdmiska ayaa ka digay inuu dabku ku socdo xawaare sare, ayna sii babinayaan dabeylo xooggan, waxaana muddo saacado ah gudahood uu dabku jiidhey tobanaan kun oo hektar.

Waxa la soo sheegayaa inuu bilowgiiba hal qof ku dhintey shil baabuur xilli laga kala cararayay dabka holcaya.

Saraakiisha ayaa sheegaya inuu isna dhaawacmay hal qof oo dabdebis ahaa. Waxa kale oo ay sheegayaan in dabku burburiyay 150 dhisme, islamarkaana in ka badan 260,000  qof ay ku dhacdey koronto la’aan.

150 structures are believed to have been destroyed by the

Leave a Reply