Hargeysa(Dawan)- Madaxweynaha la doortay ee Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa magacaabay Guddi ka kooban sagaal xubnood oo uu u xil-saaray xil-wareejinta xilliga kala-guurka ah.
Madaxweynuhu wuxuu sidaasi ku sheegay qoraal uu shalay soo saaray oo u qornaa sidan:-
Kadib markii aan la tashaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. Kadib markaan xaqiiqsaday muhiimadda xilliga kala-guurka ah; waxa loo magacaabay xubnaha magacyadoodu hoos ku qoran yihiin in ay noqdaan Guddida Xil-wareejinta Xilliga Kala-guurka ah. Xubnaha Guddidu waxa ay kala yihiin:
- Dr. Sacad Cali Shire – Guddoomiye
- Maxamed Kaahin Axmed – Xubin
- Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon – Xubin
- Maxamuud Xaashi Cabdi – Xubin
- Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare – Xubin
- Prof. Axmed Ismaaciil Samatar – Xubbin
- Eng. Xuseen Ibraahim Xasan Buuni– Xubin
- Eng. Ibraahim Daahir Dubad – Xubin
- Yuusuf Maxamed Cabdi – Xubin
Masuuliyadda Guddida Xil-wareejinta Xilliga Kala-guurku waa diyaarinta iyo hagista dhammaan hawlaha xil-wareejinta xilliga kala-guurka ah iyo goobta xil-wareejinta. Muddada xilka Guddidu waxa uu ku kooban yahay ilaa maalinta xil-wareejinta.”
Dawannews Hargeysa office