Ciidanka Booliska oo Qabtay Dhallinyaro Falal Nabadgelyo Darro ah ka Sameeyey Hargeysa

0
417

Hargaysa (Dawan)- Guddi-hoosaadka Arrimaha  Nabadgelyada ee Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland,  ayaa  shalay kulan xog waraysiya oo la xidhiidha arrimaha nabadgelyada dalka gaar ahaana caasimadda Hargaysa la yeeshay  taliyaha Ciidammada Booliska  Sareeye Gaas C/laahi Fadal Iimaan.

Kulankaasi oo Lagu qabtay  xarunta taliska guud  taliska booliska ee magaalada Hargaysa, ayaa taliyuhu waxa uu guddiga nabadgelyada Guurtidda uga xog waramay xaaladda nabadgelyo ee caasimadda Hargaysa iyo hawlgaladii u danbeeyay ee dhinaca sugida nabadgelyada ee ay ciidanku sameeyeen.

Sareeye Gaas C/laahi Fadal, waxa uu faahfaahin ka bixiyay arrimaha amaanka caasimadda iyo hawlgaladii ugu danbeeyay oo uu sheegay in  dhibaatada ugu weyn ay caasimadda ku hayaan Dhallinyaro kooxo ah. Waxaannu yidhi “Nin bani’aadam la raaciyay,  oo rebesh uun loo diray, shaqadiisu daqiiqad ma leh, wakhti ma leh, saacad ma leh, fasax ma leh. Ciidanka boolisku way shaqaynayaan waanan u mahad celinayaa. Waxaanan aamainsanahay in ay yihiin naftood hureyaal bulshadda iyo qaranka   Somaliland naftoodda u huray.”

“Caasimadda waxaa ka jira kooxo Dhallinyaro ah, oo koox koox u dagaalama, ilaa saddexdii sannadood ee u danbeeyay. Xalay (habeen hore) oo u danbaysay, dhawr iyo sodon Dhallinyaro ah ayaanu qabanay oo ay ku jiraan qaar xukuman oo maqnaa ama la raadinayay,  kuwaasoo saaka (shalay)  xabsiga lageeyay.

Waxaana taa ka marag furaysa  in idinka laftiinu aad habeenkii iyagoo Ciidammada is eryana ay iskula soo kiin galaan guryaha. Iyadoo marka la soo qabta-na ay waalidkoodu ku odhanayaan, innankaygu masaajid ayuu ka soo  baxay oo uu ka soo eedaamayay” ayuu yidhi taliyaha booliska.

Isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi  “Dhallinyaradan kooxaha ah, waxay ku hubaysan yihiin  Faashash iyo  Mindiyo. Waxa kaloo ay samaysteen Tooshash aad nuurkoodu u badan yahay  si ay ciidanka u wax yeeleeyaan oo ay u cawaraan, markay soo qabanayaan.”

Dhinaca kale Taliyaha Booliska ayaa fariin u diray waalidiinta caasimadda oo uu ugu baaqay in ay caruurtoodda ka war hayaan falalka ay ku jiraan.   “Saddexdii maalmood ee u danbeeyay waxaanu ku qaadnay olole xoog leh,  Dhallinyaro badan ayaana la qabtay.  Waxaanu amar ku bixinay in xataa marka ninku ilmihiisa qabsan waayo, hadhow-na haddii wax ku dhacaan oo dhibaato gaadho wuxuu  odhanayaa, booliska ayaa innankaygii wax yeelay, markaa waa in waalidku ay caruurtoodda qabsadaan.

Arrintaasi gacanta ayaanu ku haynaa, waxaanay ka mid tahay hawl maalmeedkayadaga caadiga ah. mana ay suurto gasheen in aanu qabano kuwan aanu sharciga hor gaynayno ee aanu qabanay, haddii aanaan  ka hor tag la samaynin, ”ayuu yidhi sareeye gaas C/laahi Fadal.

Ugu danbayn markii kulankaasi soo dhamaaday  guddoomiyaha guddiga nabadgelyadda ee golaha Guurtidda xidhibaan Xirsi Ciise Jaamac, ayaa uga mahad celiyay taliyaha booliska warbixinta fiican ee uu ka siiyay xaaladda nabadgelyo ee caasimadda.

Waxaanu yidhi “Guddiyadda golaha oo dhan waanu isugu yeedhi doonaa, wixii ka soo baxa-na waynu ka wada socon doonaa. Waanad ku mahadsan tihiin sida fiican ee aad warbixinta nooga siiseen”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply