Ruushka oo Joojiyey Tareen Nooca Qaada Nuclear-ka ah

0
414

Dawlada Ruushka ayaa ku dartay qorshe ay ku soo saaraysay dhowaan hub kala duwan tareen noociisu cusub yahay , kaas oo loogu talo galay inuu qaado gantaaladda Nuclear-ka, iyada oo la filaayey in tareenkaasi la soo saaro sannadaha 2018 ilaa 2027-ka.

Tareenkan ayaa Jimcihiii lagu dhawaaqay in la joojiyey soo saaristiisii, iyada oo warkaasi lagu daabacay wakaaladda wararka ee  Tass News Agency oo uu  wargeyska Dawan qormadan kasoo xigtay.

Qoraalkaas lagu shaaciyey in la joojiyey tareenkaasi soo saaristiisii ayaa lagu sheegay in loo waayey lacag lagu soo saaro tareenkaasi, , waxaana halkoodii laga sii wadi doonaa gantaalo kale oo isla waqti la doonaayey lala soo saaro tareenkaasi, kuwaas oo kala ahaa nooca Plastics-ka loo yaqaano iyo kuwa kale ee loo yaqaano  Saramat ( RS26).

Tareenkan ayaa la sheegay in la geliyey hakad soo saaristiisii, madaama oo ay weli ku jiraan tijaabo gantaaladda  Yars ( RS_24 ) oo ah kuwa la doonaayey in lagu rakibo Tareenkaasi, madaama oo ay u noqonayaan difaac ka difaaca gantaaladda kale .

Waxaana la rajaynayaa in tareenkan dib loo bilaabo sannadka 2028-ka , iyada oo waqtigaasi laga shaqayn doono kelidii, lana joojin doono hubka kale ee la dhinac wado ama lala samaynaayo isla waqti.

Leave a Reply