Qisada Dhagxaanta Nool ee Romaniya!

0
440

Tuulada Kustisti ee Dalka Romaniya waxa jirta arrinta dhagxanta cajiibka ah.  Tuuladan ayaa dhagaxan soo jiidatay dalxiisayaasha can ku noqotay. Dadka deegaanka ayaa Dhagxanta u bixiyay “Trovants”  oo luqada dalkooda ah “dhagxanta nool”. Aqoonyahanada macdanta ayaa soo saaray warbixino dhagxantan fsharax ka bixinaya.

Warbixinta ayay  ku cadeeyen in dhagaxantani ay jireen muddo 6 malyun oo sandood ah oo wakhtigaasi ay ku bilaabmeen iyagoo qururux yaryar ah ilaa ay ka gaadheen 10 mitir. Waxa kale oo ay sheegeen in koritaanka dhagaxnta aanay ahayn mid si dhakhso ah u socda laakiin uu 1000 sano marka la joogoba korayo 4 ama 5 cm.

Ka dib markii daraasado kala duwan la sameeyay ayay hay’adda  UNESCO  ku dhowaaqday inay yihiin dhaxalka aadamigu leeyahay ee umaduhu kala dhaxlaan iyo inay waajib tahay in horumar lagu sameeyo o la ilaaliyo. Waxa kale oo warbixnuhu sheegeen in dhagaxani halkii uu hore uyaalay koritaanka awgeed uu ka dhaqaaqo qiyaas dhan 2 mm.

Leave a Reply