Jaamacadda Hargeysa oo Daah-furtay Kuliyadda Saxaafadda

0
440

Hargeysa (Dawan)- Hormuudka kuliyadda arrimaha bulshada ee jaamacadda Hargeysa, Axmed Nuur Muuse, shaaciyay in ay daah-fureen kulliyadda culuumta saxaafadda oo ay ku soo kordhiyeen wax barashada Jaamacadda.

Mr. Axmed Nuur, waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyay Wargeyska Dawan, waxaanu sheegay in jaamacadu ay si rasmi ah sannadkan u hirgalisay kuliyad suxufiyiinta, taas oo ay ugu talogaleen in kor loogu qaado aqoonta suxuiyiinta, waxaana shahaadada heerka kowaad ee (Digree) lagu qaadan doonaa muddo saddex sanno ah.

“Waxaan guud ahaan bulshada Somaliland, gaar ahaan bahda suxufiyiinta ugu bushaaraynayaa in ay jamaacadda Hargeysi  ku dhiiratay ama bilowday furitaanka kuliyada cusub, taas oo lagu baran doono aqoonta saxaafadda.”

 

Hormuudka kuliyadani waxa uu suxufiyiinta  reer Somaliland ugu baaqay in ay fursadan ka faa’iidaystaan, oo ay ka mid noqdaan kuliyadan cusub, waxaannu yidhi;  “Jaamacadda Hargeysa way ka soo baxday kaalintii kaga beegnayd hirgalinta kuliyadan, si loo helo suxufiyiinta  xirfad aqooneed oo sare leh. Markaa jaamacad ahaan waxaannu suxufiyiinta  ugu baaqaynaa in ay fursadaa ka faa’iidaystaan oo ay ka mid noqdaan ardayda aqoontaas la bari doono.”

 

Hormood Axmed oo ka hadlayay hirgalinta kuliyadan cusub ee saxaafadda waxa uu sheegay in ay kaalin wayn ku lahaayeen wasaaradda warfaafinta iyo ururka SOLJA; “In kuliyadan la hirgaliyo waxa kaalin wayn ku lahaa xukuumadda, gaar ahaan wasiirka wasaaradda warfaafinta, oo xarunta jaamacadda Hargeysa dhexdeeda kaga dhawaaqay in ay kuliyadan cusub garab istaagi doonaan. Markaa madaxda wasaaraddaas aad baanu ugu mahad celinaynaa sida ay noo taageereen. Waxa kale oo hirgalinta kuliyadan kaalin wayn ku lahaa masuuliyiinta ururka suxufiyiinta ee SOLJA,”ayuu yidhi.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply