Xisbiga Waddani oo Daraasad ka Samaynaya Asbaabihii ay ugu Guul-daraysteen Doorashadii Madaxtooyada

0
447

Hargaysa (Dawan)- Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani,  ayaa  la shaaciyay   in uu baadhitaan ku samaynayo sababtii keentay in uu ku guul-daraysto doorashadii madaxtooyada Somaliland ee dalka ka dhacday 13-kii bishii November ee sannadkan.

 

Hogaamiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa sheegay in xisbigoodu guddi baadhitaan u saaray sidii loo soo caddayn lahaa in xisboodu aanu ku soo bixin kursiga madaxweynaha ee uu u tartamay.

Xirsi  Cali Xaaji Xasan, oo faahfaahin ka bixinayay  aragtida xisbigooda ee doorashadii 13-kii November, waxa uu yidhi “Xisbiga Waddani  ma guul daraysan, laakiin waxaannu gaadhi waynay wixii aanu doonaynay oo ahaa in aanu talada waddanka qabano.  Taasina waa waxa loo tartamo oo had iyo jeer marka la tartamayo in aad gaadhi waydo waxa aad doonayso iyo in aad gaadho labaduba waa suurto gal.”

 

“Sababo dabcan way jireen keenay in aanaan guulaysan, waanay badan yihiin. Annagana (Waddani) waa laga yaabaa in ay xagayaga ka timid. Waxaas oo dhan waxaa isku fuuqsaday  waxaannu aqbalnay wixii ka soo baxay doorashadaasi. Mar haddii natiijo ay soo baxday, oo aanu aqbalnay wixii ka soo baxay, wax imika wixii hore ee dhacay dib ugaga noqon maayo, ” ayuu yidhi hoggaamiyaha Waddani oo  xalay u waramyay HCTV.

Geesta kale hogaamiyaha Waddani waxa uu sheegay in ay guddiya u saareen sidii ay baadhitaan buuxa ugu samayn lahaayeen waxa sababay in lagaga guulaysto doorashadii madaxtooyada waxaannu yidhi;  “Waxaa socota daraasad ku saabsan dhacdadii dhacday (doorashadii) in daraasad lagu sameeyo si dhammaystiran oo xisbigu  uu qorshaynayaa in si dhammaystiran loogu ogaanayo, maxaa keenay in aynu gaadhi wayno, oo awoodii aynu lahayn iyo filashadeennii,   maxaa hoos uga dhigay? iyo sidoo kale  maxaa ku soo kordhay  doorashada?.”

 

Doorashadii madaxtooyada waxa xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI uu ka helay 40% codadkii la dhiibtay,  xisbiga KULMIYE oo doorashada ku guulaystay uu kabsaday in ka badan 55% codadkii dalka laga dhiibtay, halka xisbiga UCID uu kaalinta saddexaad ku dhacay isagoo helay boqolkiiba afar kaliya.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply