Xukuumadda Somaliland oo Beenisay in Wasiirro Loo Diiday inay Galaan Madaxtooyada

0
390

Hargaysa  (Dawan)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland,  ayaa sheegtay in aanay jirin wasiirro xayiraad laga saaray in ay dalka ka baxaan oo ay u safaraan waddamada dibada, iyo qaar loo diiday in ay galaan xarunta madaxtooyada xilli loo diiyaar garoobayo caleemo saarka madaxweynaha cusub oo dhici doonta Arbacada toddobaadkan.

Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland, Xuseen Aadan Cigge (Xuseen Dayr) oo shalay la hadlay warbaahinta ayaa tilmaamay in ay wasiirradu  ku mashquulsan yihiin sidii ay xilka u wareejin lahaayeen.

 

“Wasiirradu waxay ku mashquulsan yihiin sidii ay u diyaarin lahaayeen  xil wareejintii hantida ma guurtada ah ee  qaranka  ay  uga masuulka ahaayeen, madaxweyne Axmed  Siilaanyo gurigiisa ayuu ka soo shaqo tagaa, madaxweynaha la doortayna Muuse Biixi Cabdi  xafiis kale oo madaxtooyada ah ayuu ku shaqeeyaa,  madaxtooyada waa haykalkii dawladnimo ee qaranka, waxa jira warar beena oo sheegaya in wasiirro loo diiday in ay dhoofaan, waxaan caddaynayaa in aanay waxba ka jirin warkaas, wasiirkana halkii laga magacaabay lagama celin karo,”ayuu yidhi Afhayeenku.

Xuseen Dayr, waxa uu xusay inay dhacdo taariikhi ah tahay in laba madaxweyne oo rafiiq ahaa muddo dheeri ay la kala wareegayaan talada waddanka, waxaannu yidhi;  “Qaban-qaabada xil wareejinta labada madaxweyne ee midna xilka ka sii degayo Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo  iyo  madaxweynaha la doortay Muuse Cabdi Cabdi, si fiican ayay u socotaa hawshaasi,13 ka bishana waxa ka dhici doona madaxtooyada xaflad ku suntan  taariikhda Somaliland oo xilka ay kula wareegi doonaan laba madaxweyne oo saaxiib ah oo mujaahidiin ah oo taariikh dheer wadaaga oo isku xisbi ah, waxaanay  agaasinka xafladu u socotaa si qiimo badan.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply