Cajiib: Munaasibada Ilmaha Yar Ee Dhinta!

0
481

Dalka Ghana ee Galbeedka Afrika  qabiilada ku nool ee lagu magacaabo Ashanti ayaa aaminsan inay dunidu isku qasan tahay.  Ashanti waxay rumaysan yihiin in Aadamiga iyo dunida rooxaantu ay yihiin kuwo is dhex gala, sidaa darteed marka Ilmo yari u dhasho waxay  sugaan sided  maalmood taasi oo ay uga jeedan bal inuu ka mid yahay Aadamiga iyo inuu yahay mid ka tirsan rooxaanta.

Haddii ilmaha yari u noolaado sideed maalmood waxay rumaystaan inuu yahay qof banii’aadam ah oo sax ah, haddii uu dhintona waxay aaminsan yihiin inuu ka mid ahaa Rooxaanta oo loo diray dunida rooxaanta si aanu u fasahaadin qoyskan.

Qoyska ayaa intaasi ka dib iyagoo faraxsan maydka ilmahaasi yar qaada, iyagoo ka gooya faraha ka dibna waxay ku tuuraan goobaha kudaafad xashiishka ah.

Intaasi ka dibna qoyska  ayaa sameeya munsaabad iyagoo ku faraxsan inuu ka baxay oo ay ka nabad galeen Jinni shar badani. Qabiilooyinka kale ee la deegaanka qabiiladan ayaa iyaguna sameeya marka uu ka dhinto ilmaha yari ku aasa xabaal gaar ah. Hooyada dhashay ilmahaasi oo ay aaminsan yihiin inuu yahay Rooxaan, marka ay ilma kale dhasho waxa laga jaraa far isla markaana waxa la geeyaa xabaashii ay  hore ugu aaseen ilmihii dhintay iyagoo uga jeedaa inuu qurbaan ka dhigto oo aanay Rooxaantu caruurta kale waxyeelo u geysan madaama uu rooxaanta ka mid ahaa. Sawirkuna waa madaxda qabiilada Ashanti oo ka qayb galaya munsaabad ay dhigeen qoys uu ilma yari uu ka dhintay isagoon gaadhin 8 maalmood kuna biiray dunida rooxaanta sida ay aaminsan yihiin.

Leave a Reply