Qiso: Sidee Ayuu Ku Ogaaday Khiyaamada?

0
521

Mid ka mid dabaqadda sare ee Faransiiska ayaa maalin gurigiisa ku soo noqday isagoo werwer iyo walaac ka muuqdo. Gabadhiisa ayaa weydiisay waxa ku dhacay?

Waxaana uu ugu jawaabay :” Waxa ii sheegay Mr. Marquis Cajilstro ( Wuxu ahaa nin caan ku ahaa faalka iyo sixirka) inaad adigu aniga ii shirqoolaysid mid ka mid saxiibada iigu dhow, ka dib isagoo aan is dareemayn ayuu dhirbaaxay!.

Laakiin iyada oo si degan u hadlaysa ayay haddana ku tidhi :” Oo markaa ma fahmay in aanad adigu hadalkiisa rumaysan?.

Waxaana uu yidhi :” Haa xaqiiqdii, maan rumaysan hadalkiisa” laakiin wuxu iigu hanjabay haddii aanan hadalkiisa rumaysan inaan berri subaxa toosi doono anigoo noqday Bisad madow ah.  Maalintii labaad ayay gabadhiisu toostay iyadoo sariirta la jiifta bisad madow. Way naxday oo ay qalisay, markaasi ayay haddana ku soo noqotay Bisadii oo ay bariday kana cudur daaratay khiyaamadii ay waday kana codsatay inay saamaxdo.

Isla wakhtigaa ay hoos fadhiday Bisadda ayuu ninkeedu ka soo baxay daaha uu isku qirayay xagiisa danbe isagoo gacanta ku sita. Markaasi ayuu ku yidhi “ Orod waan ku saamaxay khaayimad ayaad ahayd, waxayse ahayd inaan qoorta kaa jaro”. Khiyaamadii ayaa si fudud ku ogaaday isagoo u adeegsaday khuraafad. (thaqafaonline)

Leave a Reply