Maxaa Sababa Koritaan Xumada Iyo Itaal Darada Caruurta

0
2493

Koritaanka ilmaha ayaa ah mid ku xidhan wakhtiyo kala duwan. Lagasoo bilaabo xilliga uu dhasho ilaa uu ka qaangaadhayo waxa uu ilmo walba maraa heerar kala duwan. Wakhtiyada koriimada ilmaha ayaa ah mid aad ugu muhiim ah caafimaadkiisa. Ilmaha aan u koreyn si caadi ah amin  loo baahnaa ayaa ah ilmo lagu macnayn karo inay haysato koritaan xumo. Ilma walba oo dhasha haddii nolosha loosiidaayo waxuu maraa heerar kala duwan sida isrogrogid, gurguurasho, istaagid iyo socod. Ilmaha qaar ayaan ku guurguuran ama ku istaagin xilligii loogu tala galay. Koritaan xumada ilmaha ayaa saamaynaysa muuqaalkiisa jidheed iyo koritaanka caqligiisa.

 

 

Kortitaan xumada ilmaha ayaa ka imaan karta sababo la xidhiidha caafimaadka sida dhiigyarida ama xanuun ku dhaca qanjidhka thyroid-ka loo yaqaano kaasoo soo daaya hormoono kontoroolo shaqada burburinta nafaqada ee unugyada jidhka iyo omateytka. Nafaqo xumada ayaa kujirta qodobada ugu horeeya ee sababa koritaan la’aanta iyo itaal yarida ilmaha. Hadii  uu ilmuhu quudan waayo cuno kufilan ama uu heli waayo nafaqo daboosha baahidiisa waxa uu noqonaya mid aan u korin sida caadiga ay ee asaagiisu u korayaan. Mararka qaar waxaa dhici karta inay jiraan xanuuno kale kuwaasoo walwal ku abuura waalidka iyagoo ka walwalaya sababta keentay in ilmahoodu aannu u korin si lamid ah caruurta kale.

 

Koritaan xumada ilmaha ayaa keeni karta in ilmuhu aannu jidhkiisa iyo maskaxdiisu u noqon kuwo u kora si caadi ah. Ilmaha aan u korin sida caadiga ah ama waaya nafaqada jidhkiisu u baahan amaba aan laga daweyn xaaladaha ku keeni kara dib u dhaca koriimada ayaan maskaxdiisu u shaqayn sida caadiga ah ee asaagiis. Waxaa ilmaha noocaan ah ku yar xasuusta, hal abuurka, fikirka, ladhaqanka bulshada oo dhibi ka qabsato, walwal joogto ah iyo ku mashquulida isbarbar dhiga naftiisa iyo asaagiisa.

 

Daawada koritaan xumada ilmaha ayaa ku xidhan in lafahmo hadba sababta keentay. Daweynta xanuunada keeni kara xaaladaan sida dhiigyarida ayaa xal u noqon karta in daawo loo helo xaaladaan. Sixitaan ama siinta ilmaha nafaqada uu ubaahan yahay waxay sahli kartaa inuu u koro si caadi ah. In badan oo kamid ah dhakhaatiirta caruurta ayaa aaminsan in xaaladani ay ka imaan karto walwal iyo cabsi uu ilmuhu kala kulmo guriga ama goobaha waxbarashada. Waxayna ku taliyaan in ilmaha laga ilaaliyo wax walba oo ku keeni kara dhaawac maskaxeed taasoo sabab u noqon karta inuu noqdo mid la nool walwal iyo islahadal joogto.

 

Leave a Reply