Dumar Farahooda Iska Jara Oo Kaluun Ku Quudiya!

0
492

Xeebaha  dalal badan oo ka mid ah qabiilooyinka Afrika dega  ayaa dumarkooda kaluumaystida ahi ay leeyihiin caado inay farahooda jaraan, arinkaasi ayay aaminsan yihiin inay ku helayaan kaluun badan oo ay ugaadhsadaan marka ay sidaasi sameeyaan.

Dumarka ayaa farahooda xadhig sida shebegga ah ku xidha kaasi oo ay ula jeedaan inaan farta ay jarayaan dhiiga badani ka iman isla markaana ay noqoto xubin naafo ah ka hor goynteeda oo aan xanuun badan ku keenin.

Waa qaabkii waayadii hore loo suuxin jiray marka xubin la jarayo. Dumarka ayaa marka ay jaraan farta qaada iyagoo doonida la raacaya ka dibna badda dhexdeeda ku tuura si ay u cunaan kaluunka badda ku jira..

Waxay rumaysan yihiin inay arintani usoo jiidayso kaluun badan oo ay helayaan, iyagoo dhinaca kale aaminsan in fartoodu dib ugu soo noqonayso marka ay cunaan kalunkaasi oo ay calooshiisa ku jirtay  Farta ay goyasay, waxay uga dhigan tahay birlab soo jiidanaysa kaluunka.

Qabiiloyinkan ayaa aad u u ixtiraama oo ay meel sare ka joogta gabadha farteeda noocan oo kale u goysa iyadoo si weyn looga soo dhoweeyo goob kasta. Inkasta oo ay tahay caado khuraafaad ah oo ay aamineen haddana waxa dumarka gaar uga dhigay waxa laga yaaba inay tahay iyagoo raggu aan doonayn in jidhkooda dhibi gaadho, iyo dumarka oo khuraafaadka aaminaadiisa kaga horeeya raga.

Leave a Reply