Gabadh Kalkaaliye caafimaad ah oo u dhalatay dalka Canada laguna magacaabo Elizabeth Whitwell oo ka shaqaynaysay xarun lagu xanaaneeyo laguna daryeelo dadka waayeelka ayaa mudadii u dhaxaysay 2007-2014 , 9 ka mid ah dadkaasi si u kas ah u siisay daawada Insolin oo xad dhaaf si ay u dhintaan.
Wayeelkan ku dhintay xarunta ayaa kala aha 5 islaamood iyo 4 oday da’ ah. Waxa kale oo iyana jiray 6 kale oo xarunta ku dhintay laakiin aan si buuxda loogu cadayn tuhun keliya mooye, halka 4 kalena ay isku dayday inay disho oo ay siisay Insolin xad dhaaf laakiin aanay aanay u dhiman.
Qoysaska dadkaasi ka soo jeedeen ayaa maxkamadda ka codsaday in xukun adag lagu qaado, gabadhan. Maxkamadda Elizabeth ayaa la soo gebgebayay sanadkan 2017 iyadoo qiratay inay denbigaasi gashay oo ay weliba doonaysay inay waayeel badan rawixiso sababtuna ay ahayd iyadoo fulinaysay amar ay ka haysatay Shaydaanka ay caabudo.
Maxkamadda ayaa ku xukuntay xadhig ilaa inta ay ka dhimanayso (xabsi daa’in) iyo inaan marna la ogolaan doonin inay jeelka debedda uga baxado.



















