Dalalka Geeska Afrika oo Majeertay Dimuqraadiyada Madaxweyneyaasha Somaliland Xilka Iskugu Wareejiyeen

0
361

Hargaysa (Dawan)- Xafladii dhaarinta madaxweynaha cusub ee jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo ku xigeenkiisa C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (saylici), waxaa ka soo qaybgalay wufuud  kala gedisan oo ka socday dalalka geeska Afrika ee Somaliland la  deriska  ah sida Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya.

Weftiga ka socday dalka jamhuuriyadda Jabuuti ayaa dhamaa  38 xubnood, waxa hoggaaminayay wasiirka difaaca Cali Xasan Bahdoon, hadal uu munaasibadaasi ka jeediyay  ayaa hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee Somaliland, madaxweynaha xilka wareejiyay iyo shacabkaba.

“Waxaan jecelahay in aan idinku hambalyeeyo anigoo ku hadlaya magaca weftiga ballaadhan ee   ka socda dalka jamhuuriyadda Jabuuti ee aan hoggaaminayo, oo ka kooban wasiirro, xildhibaanno, ganacsato iyo dad reer Jabuuti ah oo iyag-na shucuurtoodu halka keentay, oo u  yimid si ay u hambaleeyaan walaalahood.  Waxaynu nahay dad mid ah, waxaanan ku faraxsanahay sida quruxda badan ee  la noo soo dhaweeyay, markii aanu  ka soo degnay garoonka diyaaradaha Hargaysa, aad ayaanu ugu faraxsanahay.  Sharaf gaarra ayay noo tahay halkan aan maanta joogno,”ayuu yidhi Wasiirka Difaaca Jabuuti.

Waxa kaloo uu intaas ku daray; “Hambalyo iyo salaan   aanu ka sidno madaxweynaha jamhuuriyadda Jabuuti, marwadiisa kowaad iyo  ummadda Jabuuti ayaanu idin soo gaadhsiinaynay. Waxaannu isku aragnaa dad dalkoodii jooga, dad abtiyaashood, qaraabadoodii, walaalahood iyo ehelkoodii la jooga.

Waxaan doonayaa in aan hambalyo u dirro dhamaan ummadda jamhuuriyadda Somaliland sidii quruxda badnayd ee ay u soo galeen hawshii ololihii doorashadda, sidii ay u soo shaqeeyeen iyo sidii ay u soo dedaaleen. Waxaanan qabaa in wadamo badan oo awood leh in ay muddo intaa le’eg ololaha doorashadda aanay samayn karaynin. Hambalyo ayaan idin leenahay sidaad hawshaa ku dhamayseen iyo guusha aad gaadheen.”

Geesta kale Wasiirka Gaadiidka Dawladda federaalka Itoobiya  Axmed Shidde,   oo hogaaminayay weftiga ka socday xukuumadda dhexe ee federaalka  Itoobiya  oo isna xafladaasi khudbad ka dheer ka jeediyay  ku hambalyeeyay xilka loo dhaariyay madaxweynaha cusub, isagoo   sheegay in ay ka rejaynayaan in uu sii xoojin doono xidhiidhka iskaashi, dhaqaale iyo ganacsi ee ka dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya.

Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaa maanta (shalay)  sharaf ii ah, anigoo  metelaya shacbiga iyo dawladda federaalka Itoobiya iyo weftiga ila socda iyo sidoo kale xubnaha weftiga ka socda dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya,  in aan xafladan qaaliga ah ee taariikhiga ah, ee xil wareejinta iyo caleemo saarka  madaxweyne Muuse Biixi, idinkala soo qayb gallno. Waxaan u hambalyaynayaa  dhamaanba shacabka Somaliland  sidii  quruxda badnayd, ee wanaagsanayd  ee aad doorashadda u gasheen, natiijo fiica-na aad ka muujiseen,  taasoo caalamkoo dhan u riyaaqay in aad  tihiin tusaale dimoqraadiyadeed gobolkee-na geeska Afrika.”

 

Wasiir Axmed Shidde, ayaa   amaan u jeediyay madaxweynaha xilka degay Axmed Siilaanyo oo uu sheegay in uu si wanaagsan uga shaqeeyay mudadii uu xilka hayay iskaashiga iyo xidhiidhka ka dhexeeya labadda dal. “Waxa kaloo aan u hambalyaynayaa madaxweynaha xilka wareejinaya Axmed Siilaanyo, oo runtii shaqo badan oo balaadhan ka qabtay Somaliland  iyo is-kaashiga Somaliland iyo dawladda federaalka Itoobiya iyo isku xidhka labadda shacab. Waxaad og soon tihiin, shacabka Soomaalida Itoobiya qayb weyn ayuu ka yahay, gaar ahaan degaanka Soomaalida xad balaadhan ayuu  la leeyahay Somaliland. Nabadgelaydda, kaabeyaasha dhaqaalaha, isku xidhka ganacsiga dan  badan ayaanu wadaagnaa, shaqooyin badan ayaana noo qabsoomay intii uu xilka hayay Axmed Siilaanyo,” ayuu yidhi Wasiirku.

 

 

Isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Waxaan  si gaarra u hambalyaynayaa madaxweynaha la doortay  Muuse Biixi, ee maanta xilka la wareegaya, oo run ahaantii aragti dheeraad ah ku soo biirin doona dib-u-dhiska Somaliland iyo is-kaashiga Somaliland iyo Itoobiya iyo shacbiga  labada dhinacba in dan  guud oo wanaagsna ay wadaagaan, iskaashi dhaqaale, ganacsi iyo isku xidhka kaabeyaasha dhaqaalaha  oo si buuxda loo sii xoojin doono ayaanu aaminsanahay”.

Wuxuu sheegay wasiir Shidde in dawladda Itoobiya ay u fidinayso wada shaqayn wax wada qabsi iyo iskaashi. “Waxaanan leeyahay Itoobiya waxay kuu fidinaysaa wada shaqayn iyo wax wada qabsi iyo iskaashi balaadhan. Itoobiya waxay xoojin doontaa  xidhiidhka labadda shacab, shacabka Somaliland iyo shacabka Itoobiya.  Gaar ahaana shacabka degan xuduudka ee shacabka dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya iyo Somaliland oo danno guud oo badan ka dhexeeyaan. Iskaashiga iyo wada shaqaynta dawladaha Somaliland iyo Itoobiya, wuu sii xoogaysan doonaa. Waxaan salaan gaara kaaga wadaa raysal wasaaraha dawladda federaalka Itoobiya Hailemariam Desalegn,  iyo dawladiisa iyo shacabkiisa.  Madaxweyne wada shaqayn wanaagsan ayaanu leenahay, hawlahaasi bilaabmaya ayaan sii xoojin doonaa”ayuu yidhi wasiirku.

Dhinaca  kale waxaa munaasibadaasi  joogay wefti ka socday dalka Kenya oo ay hogaaminaysay  xildhibaan  Safiya Cabdi Nuur, oo ka tirsan baarlamaanka Kenya. Xildhibaan Safiya,  oo ah gabadhii u horaysay ee iyadoo la soo doortay ka mid noqota baarlamaanka Kenya. Waxaanay  tidhi “Anigoo ka wakiil ah weftiga Kenya ee ila socda,  oo kala ah saddex xubnood oo baarlamaanka ka tirsan, iyo laba qof oo ganacsadeyaal  reer Kenya ah. Waxaan doonayaa in aan fursadan uag faa’iidaysto oo aan ku hambalyeeyo dawladda Somaliland iyo shacabkeeda, doorashadii sida nabadgelyadda ah u dhacday ee aad qabsateen. Sidoo kale waxaan doonayaa in aad u hambalyeeyo madaxweynaha xilka ka sii degaya  Axmed Siilaanyo, sida nabadgelyadda ah ee u xilka ku wareejinayo. Waxa kaloo aan doonayaa in aan u hambalyeeyo madaxweynaha la doortay, waxaanan jecelahay in aan idhaahdo waanu ku faraxsanahay guushaadda, hambalyo”.

“Waxaan salaan idiinka sidaa madax dawladda Kenya oo ay ahayd in ay xafladan inagala soo qayb galeen, balse hawlo jiray awgeed ay u suurtoobi wayday, waxaanay noogu soo kiin dhiibeen salaam iyo hambalyo” ayay tidhi xildhibaan Safiya oo ka tirsan baarlamaanka Kenya.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply