Beesha Caalamka oo Balanqaaday inay la Shaqeynayaan Madaxweynaha cusub

0
392

Hargeysa(Dawan)- Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi iyo ku-xigeenkiisa Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici),  ayaa shalay si rasmi ah xilkii ugala wareegay madaxweynihii hore Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo waddanka xukumayay Bishii July 2010 illaa 13 December 2017.

Xafladii xilwareejinta oo lagu qabtay xarunta madaxtooyada isla markaana ahayd mid  si heer sare ah loo soo agaasimay, waxa ka qaybgalay madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin,afar madaxweyne ku-xigeen oo soo maray Somaliland rubuc qarnigii la soo dhaafay kuwaasi oo kala ahaa Xasan Ciise Jaamac, Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, Axmed Yuusuf Yaasiin iyo madaxweyne ku-xigeenka Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo dhigay taariikh cusub, waxaannu  noqday madaxweyne ku-xigeenkii u horreeyay ee Somaliland  ee laba jeer codka shacabka lagu doortay.

Waxa kaloo  ka qaybgalay Hoggaamiyihii maamulka Khaatumo Prof. Cali Khaliif Galaydh oo bishii October ee la soo dhaafay la midoobay Somaliland.  Sidoo kale waxa xaflada caleemo-saarka madaxweynaha cusub ka soo xaadiray Guddoomiyeyaasha goleyaasha baarlamaanka Guurtida iyo Wakiillada, Md. Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Md. Baashe  Maxamed Faarax iyo Guddoomiyaha maxkamadda sare Prof. Aadan Xaaji Cali Axmed. Waxa iyaguna madasha ka soo qaybgalay Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, waxase aan ka qaybgalin xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI. waxaa iyagana  lagu casuumay madaxdhaqameedka Somaliland.

Xafladan waxa  ka soo qaybgalay dawladaha Somaliland la diriska ah oo ay ka mid yihiin dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya oo saddexduba wufuud u soo diray. Weftiga ka yimid dhinaca Itoobiya  waxa hoggaaminayay Wasiirka Gaadiidka dawladda Federaalka, Axmed Shide. Halka dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya ay ka socdeen wefti uu horkacayey madaxweyne ku-xigeenka Cabdixakiim Cigaal Cumar oo ay weheliyeen wasiirro iyo Ugaaska guud ee Beesha Ciise, Ugaas  Mustafe Maxamed Ibraahim.

Dawladda Jabuuti oo ay ka socdeen weftigii ugu badnaa oo ka koobnaa 38 xubnood, waxa hoggaaminayey wasiirka difaaca Cali Xasan Bahdoon, halka Kenya ay ka socdeen wefti ay madax u ahayd Xildhibaan Safiya  oo ah gabadha kaliya ee Soomaali ah ee ku jirta baarlamaanka Kenya. Xafladaas waxa dawladdu caddaysay inay ka soo qaybgaleen 1500 oo qof.

 

Sidaas si lamid ah, waxaa madasha si weyn uga soo xaadiray   danjireyaal ka kala socday  Ingiriiska, Sweden, Holland,  Denmark,  Switzeland iyo  midowga Yurub (EU)da, kuwaasi oo fadhigoodu yahay Nairobi. Waxa kaloo jiray  saraakiil ka socday  Qaramada Midoobay iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee waddanka ku sugan.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Md. Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa madashaasi dhaarta uu qorayo Dastuurka dalku ku dhaariyey Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka lagu doortay doorashadii Madaxtooyada ee qabsoontay 13-kii November 2017, waxaanna markaa kadib Madaxweynaha xilka ka degay Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo uu ku wareejiyey dhukumentiga dawladda Madaxweynaha cusub Mudane, Muuse Biixi Cabdi.

 

 

Xafladaas ay xilka kula kala wareegeen labada madaxweyne,  waxaa laga daawanayey ilaa lix Telefishan  iyo idaacada Radio Hargeysa oo dhawr saacadood oo xafladaasi socotay si toos ah u tabinayay.

Xubno kamid ah wufuudda caalamiga ah ee munaasibadda kasoo qabgashay oo ka socda dalalka Yurub iyo Bariga Afrika oo halkaas ka hadlay, ayaa si weyn u bogaadiyey sida xilkasnimada leh ee ay u dhacday munaasibadda ay labada madaxweyne xilalka kula kala wareegayaan, waxana ay madaxweynaha cusub ku dhiirrigeliyeen inuu muhiimad gaar ah siiyo xidhiidhka ay Somaliland la leedahay dalalka caalamka. Waxaanay u balanqaadeen inay si buuxda ula shaqayn doonaan.

 

Madaxweynaha xilka wareejiyey Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo khudbad halkaas ka jeediyey, ayaa ku dheeraaday guulihii uu qaranku gaadhay muddadii uu gadh-wadeenka ahaa, waxana uu madaxweynaha cusub ka u rajeeyey inuu eebbe xilka u fududeeyo, isaga oo bulshada inteeda kalena ka codsaday inay la shaqeeyaan.

Madaxweynaha cusub ee xilka la wareegay Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna bulshada u jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysa, waxana uu sheegay dalka ku hagi doono dariiq caddaaladeed oo sharciga iyo kala-dambayntu saldhig u yihiin.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply