Jabuuti oo Bogaadisay Golaha Cusub ee Wasiirrada Somaliland

0
369

Hargaysa (Dawan)- Xukuumadda dawladda Jabuuti, ayaa soo dhawaysay golihii wasiirrada ee uu khamiistii  magacaabay madaxweynaha Jamhuuriyadda  Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Safiirka dalka Jabuuti u fadhiya Somaliland Xuseen Cumar Kawaaliye oo shalay warabaahinta la hadlay ayaa sheegay in dawladda Jabuuti ay tahay dawladdii u horraysay ee soo hambalyaysa madaxweynaha Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi, taasina ay muujinayso walaaltinimada ka dhexaysa labada dal ee  Somaliland iyo Jabuuti.

 

“Anigoo ku hadlaya afka dawladda Jabuuti iyo dhammaan shacbi-weynaha Jabuuti, waxaan hambalyaynayaa xukuumadda uu soo magacaabay  Madaxaweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ,Jabuuti iyo Somaliland waa labo dal oo walaalo ah oo daris ah, kuna qasban in ay wada shaqeeyaan,” ayuu yidhi Mr. Kawaaliye.

Safiirku waxa uu intaasi ku daray; “Dawladda Jabuuti waa dawladdii ugu horraysay ee booqasho gaar ah ku timaada  Somaliland, si ay u  hambalyeeyaan madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxana  ka soo qaybgalay  xil wareejintii madaxtooyada Somaliland wefti ballaadhan oo ka socda dawladda Jabuuti oo uu hoggaaminayay Wasiirka Gaashaandhiga Jabuuti, Cali Xasan Bahdoon oo ay ka mid ahaayeen  wasiirka beeraha  Maxamed Axmed Cawaale, wasiirka gaadiidka Maxamed Xalaf iyo  wasiirka tacliinta,  Mustafe Maxamed Maxamuud iyo xildhibaanno badan oo ka tirsan baarlamaanka Jabuuti, taasina waxay muujinaysaa walaaltinimada ka dhexaysa  Somaliland iyo Jabuuti.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply