Qolalka Huteelada Aduunka Ee Jimanku Degaan

0
446

Dalalka Maraykanka iyo Yurub Hutelada huradada ee ku yaalla qolka numbarkiisu yahay 420 ayay martida aanay seexan oo cabsi badan ay ka qabaan dadku. Waxaana jira dad qolalkaasi degay oo la dilay ama laga soo saaray iyagoo mayd , ama la waayay.

Tirooyinkan ayay ka aaminsan yihiin inay yihiin kuwo masiibo soo jiidaya waxaana huteeladu sameyeen inay ka boodaan tirada 420 ama ay qoraan 419 +1.  Haddaba wargeysak Miror ee Ingiriiska ayaa sheegay in sababta ugu muhiimsan ee qolalka huteelada la seexdo qolka 420 ay dadku u arkeen inay jiman degan yihiin ay tahay in waayadii hore dalka Maraykanka iyo Yurub ay geli jireen dadka ka sheqeeya mukhaadaraadka gaar ahaan xashiishada.

Wakhtigaasi maamulada huteelada ayaa qolalkan u aqoonsan jiray dadka hawlaha maandooriyaha ku jira, sidaa awgeeda waxa dadka loogu sheegi jiray inay jiman degan yihiin kuwaasi oo ay dadka caadiga aanay degi jirin.Waxa kale oo la sheegay in dadka hawlahaasi ku jiraa ay ku balami jireen saacadda 4:20 taallo loo dhisay sayanis yahankii Luwis, iyagoo balanku ahaan jiray Luwis 4:20.   Sababtaasi sirta ah ayaa ahayad ta ka danbaysa khuraafadaka ah in Jinku dego qolka 420. Huteelada badanakooda ayaa tiradan laga boodaa ama lagu qora 402 – 419, 421 – 426, ama tirada labaatan loo qoro 419 + 1.

Leave a Reply