Ciidammada Ammaanka oo Boorame ka Raadinaya Fanaan Loo Haysto Dambi ka Dhan ah Qaranimada Somaliland

0
356

Boorame (Dawan)- Badhasaabka Ku-xigeenka Gobolka Awdal,  C/raxmaan Xaaji Nuur Sugaal, ayaa ka hadlay rebshado iyo mudaharaad ka dhashay Ciidammada Booliska oo doonayey in ay qabtaan fanaanka Nimcaan Hilaac oo ku sugan magaalada Boorame.

Nicmaan Hilaac, ayaa hore uga tirsanaa kooxda fanka ee xidigaha Geeska, balse   in muddo ah ku maqnaa magaalada Muqdisho iyo waddamo kale oo dhawr maalmood ka hor yimid magaalada Boorame, isagoo ka soo galay dhinaca xuduudka dhulka ee Jabuuti iyo Somaliland. Hase yeeshee ciidammada booliska Boorame,  ayaa isku deyay in habeen hore ay qabtaan fanaanka, iyadoo markii ay tegeen guriga  waalidkiisu degan yihiin  waxaa halkaasi ka dhacay rebshado iyo buuq ka dhashay qabashadda fanaankaasi.

Ciidamadda  booliska ayaan  ku guulaysan qabashadda Nimcaan Hilaac, waxaana la sheegay in aanu guriga ku sugnayn xiligii ay boolisku tegeen. Inkastoo la xidhay  xubno qoyskiisa ka mid ah iyo dad kale oo lagu eedeeyay in ay booliska dhagaxaan kala hor tegeen.

Badhasaabka ku-xigeenka gobolka Awdal  C/raxmaan Xaaji Nuur Sugaal, ayaa sheegay  badhasaab ku-xigeenka gobolka Awdal ayaa ku tilmaamay sababta ay boolisku u doonayeen in la soo xidho fanaanka Nimcaan Hilaac in markii uu Xamar ku sugnaa ku kacay waxyaabo lidi ku ah Somaliland.

“Wuxuu sameeyay, waxyaabo lidi ku ah qarannimada Somaliland markii uu joogay Muqdisho. Marka uu qofku fasax la’aan Somaliland kaga baxo, waa in marka uu dalka soo gelayo  waa in uu fasax soo waydiistaa xukuumadda”ayuu yidhi badhasaabka ku-xigeenku.

Waxa kaloo uu sheegay C/raxmaan Nuur Sugaal in aan weli la qaban fanaanka meesha uu joogana aanay ogayn, isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Ciidankii doonayay in ay fanaanka qabtaan ayay dad ka hor yimaadeen. Waxba kama jiraan arrintaasi. Aabihii oo dirays xidhana   jidh dil laguma samaynin. Weli lama qaban fanaanka Nimcaan Hilaac. Meesha uu ku sugan yahay-na imika war sugan kama hayo.

Xubnihii qoyskiisa iyo dadka kale ee la xidhay, waa la iska sii daynayaa. Cadhadii ka dhalatay dhagaxaantii ay ciidanka kala hor yimaadeen ayuunbaa loo xidhay, ee wax daniya oo kale looma haysto”.

Badhasaab ku-xigeenka aya tilmaamay in fanaanka la raadinayo uu Boorama ka soo galay dhinaca xadka ay wadaagaan Jabuuti iyo Somaliland, markii ay ogaadeena la isku deyay in la soo qabto.  “Xagga xadka Jabuuti ayuu ka soo galay, lama ogayn markii hore balse markii la ogaaday ayay  dawladu tidhi hala soo qabto.

Wax dhibaato ahna looma gaysteen ee su’aalo ayuunbaa la waydiin lahaa. In buuq sidaas oo kale u badan wax loo sameeyo arrintaasi ma aha” ayuu yidhi C/raxmaan Sugaal oo shalay u waramayay BBC.

Geesta  kale badhasaab ku-xigeenka Awdal oo la waydiiyay in ay jireen fanaaniin  ka tirsan kooxda xidigaha Geeska oo hore u tegay Muqdisho, kana soo noqdeen oo hadda ay Hargaysa  joogaan, muxuu kaga duwan yahay Nimcaan Hilaac kuwaasi.

Waxaanu yidhi “Fanaanadda Yurub Geenyo ayaa ka mid ahayd, fanaaniinta Xamar tegay. Dawladda  Somaliland ayaana fasax loo waydiiyay markii ay soo noqonaysay. Qofku wuu gefi karaa, laakiin sharciga Somaliland ayaa ah in haddii uu cafis soo waydiisto in la cafiyo”.

Dhinaca kale badhasaab ku-xigeenka Awdal ayaa fariin u diray dadweynaha reer Somaliland oo uu  ugu baaqay in ay sharciga iyo dawladnimadda taageeraan.

“Waxaan  leeyahay dadweynaha  Somaliland dawlad ayaynu nahay,  dawladnimadda  in aan taageerno,  sharciga aan taageerno. Haddii aan sharciga taageerno cadaalad ayaa imanaysa”ayuu yidhi badhasaab ku-xigeenka Awdal.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply