Madaxweynaha oo Magacaabay Maareeyaha Guud ee Ha’yadda Duulista iyo Madaarrada

0
312

Hargeysa(Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa  wareegto uu soo saaray shalay ku magacaabay Duuliye Sare Cabdi Maxamed Rodol, uu noqdo Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaarrada Somaliland.

 

Sidaasna waxa lagu sheegay digreeto uu soo saaray Madaxweyne Muuse Bixii Cabdi, oo summadeedu ahayd JSL/XM/WAREEGTO/222-02/122017  kuna taariikhaysnayd 17 December, 2017, waxaanay u qornayd sidan:-

 

“Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad; Xarafka (Kh);

Markaan Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Hay’adda Duulista iyo Madaaradu u leedahay Dhismaha Qaranka;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waaya-aragnimadiisa;Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey:Wada-tashi;

Waxaan Go’aansaday; In Duuliye Sare, Cabdi Maxamed Rodol, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaarrada Jamhuuriyadda Somaliland.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply