Ciidanka Booliska oo Qabtay Eedaysaneyaal loo Haysto Ganacsade Lagu Dilay Laascaanood

0
476

Laascaanood (Dawan)- Maamulka  Gobolka Sool sheegay in ciidammada booliska  oo kaashanayey  ciidanka qaranka   ay gacanta ku soo dhigeen  2 nin oo ku eedaysan  in ay ka danbeeyeen dilka nin ganacsade ahaa oo toddobaadkan  lagu dilay magaalada Laascaanood oo la odhan jiray  marxuum C/naasir Cumar Shaacuur.

Badhasaabka gobolka Sool Cabdi Khayre Dirir, ayaa sheegay hawl gal ballaadhan oo socday 4 maalmood  oo ay ammaanka  gobolkaasi ku raadinayeen eedaysaneyaashaasi   in  aakhirkii lagu guulaystay soo qabashadooda.

 

Badhasaabka gobolka Sool Cabdi Khayre Dirir,  oo ka warbixinayay hawlgalkaas, waxa uu   yidhi;  “Hawlgalkii afarta  maalmood socday ee ay hormoodka u ahaayeen ciidanka booliska oo kaashanayey ciidammada qaranka, in uu soo gebagaboobay galabta (shalay). Waxaan u  mahad celinayaa saraakiisha iyo ciidammada hoggaaminayey hawlgalkan  lagu raadinayay nimankii dilka  gaystay 15-kii bishan ku dilay Laascaanood, ganacsade C/naasir Cumar Shaacuur.” Badhasaabku wuxuu    bahda caddaaladda jamhuuriyadda Somaliland ka codsaday in si dhakhso ah eedaysaneyaashan sharciga loo hor geeyo.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply