Bile Rafle oo ku Baaqay in la Dhammaystiro Dhismaha Guriga Xisbiga ee Magaalada Hargeysa

0
489

Hargaysa (Dawan)- Bile Rafle Guuleed,  oo muddo dheer guddoomiye ka  noqday  gobollada Togdheer iyo Waqooyi galbeed (Maroodi-jeex) xiligii dawladdii Siyaad Barre,  oo dhawaan booqasho ku yimid Somaliland ayaa ka sheekeeyey waxyaabihii uu qabtay berigaas.

 

Siyaasi Bile Rafle Guuleed, oo haatan ku nool magaaladda Jigjiga ee caasimadda dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa magaalada Hargaysa kaga qaybgalay  xafladii caleemo saarka  madaxweynaha shanaad ee Somaliland Md.  Muuse Biixi Cabdi.

 

Wuxuu   badhasaab ka ahaa gobolka Togdheer  sannadihii 1972-kii  ilaa 1974-kii,   isagoo markii danbena   guddoomiye ka noqday gobolka  Hargaysa,  ayaa lagu lagu amaanaa inuu waxqabad  iyo mashaariic horumarineed ka fuliyey   gobollada Togdheer iyo Maroodijeex, muddadii uu madaxda ka ahaa.

 

Waxyaabihii ugu waaweynaa ee sida weyn loogu xasuusto Bile Rafle, waxaa ka mid ah dhismaha guriga qabyada ah ee loo yaqaano Xisbiga ee ku yaalla suuqa idaacadda ee magaalada Hargaysa iyo waddooyin kaloo badan.

Bile Rafle Guuleed oo caan ku ahaa wax badan oo uu ka qabtay magaalooyinka Burco iyo Hargeysa wakhtigii Siyaad Barre ayaa ka hadlay dareenkiisa guriga qabyoobay ee hadda ah suuqa xisbiga.

Mr. Bile Rafle ka sheekeeyey dhismaha gurigan oo uu ugu talogalay inuu noqdo madaxtooyo isaga oo faahfaahiyay qaybaha  dhismahaasi uu ka kooban yahay.

 

“Maalintii la iga beddelay Burco,  afar boqol oo Taar ayaa loo qoray Maxamed Siyaad Barre oo la yidhi ha naga beddelin, Hargaysa iyaduna sidaa oo kale ayay ahayd.  Labadaba markii la iga beddelayey aad ayaan uga xumaaday,  weliba gurigaas Bile Suge loo bixiyay (Guriga suuqa xisbiga), run baan idiin sheegayaa gurigaasi qalbiga ayuu igaga yaalaa, waa boqol iyo siyaado qol,”ayuu yidhi Bile Rafle oo  hadal ka jeediyay qado-sharaf loogu sameeyay Hargeysa.

 

Waxa kaloo uu intaas ku daray;  “Xagga  danbe waxa uu ku lahaa 42 fiilo oo aan ugu talogalnay inay madaxdu degto, dawladda oo dhan ayuu qaadayaa, lix hool ayuu leeyahay oo shirarka loo asteeyay, wax kasta ayuu gurigaasi lahaa.  Haddii aad gurigaas dushiisab ku istaagto oo aad soo dhawayso ama diirad qaadato Jigjiga  waad arkaysaa,  Berberana waad arkaysaa.”

 

“Maxaa  yeelay biyo-dhacay oo ah meeshiii ugu dheerayd ayaan ka dhisay, markaas gurigaasi waxa weeye guri madaxtooyo u qalma, madaxweynaha Somaliland  waan u sheegay, waxaan ku idhi gurigaas dhammays tir, haddii aad dhammaystiri waydana  waa dhibaato. Aniguna  diyaar ayaan u ahay in aan dhaqaale u guro si gurigaas loo dhiso,”ayuu yidhi Bile Rafle Guuleed.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply