Dawladda Hoose ee Hargeysa oo soo Bandhigaysa Ganacsatada iyo Siyaasiyiinta aan Bixin Cashuurta

0
385

Hargeysa (Dawan)- Xoghayaha Dawladda Hoose ee  caasimadda Hargeysa,  Cali Xasan Cawaale,  ayaa caddeeyey in qaar ka mid ah ganacsatada waaweyn iyo siyaasiyiinta Somaliland  aanay bixin cashuuraha ku waajibay, waxaanu sheegay in ay dhawaan soo bandhigi doonaan liiskooda.

 

Cali Xasan, waxa uu ugu baaqay guud ahaan bulshada reer Somaliland, dadweyne iyo masuuliyiinba  , inay soo bixiyaan lacagaha cashuuraha ah ee ku waajibay, ee ay dadkii danyarta ahiba bixiyeen; “Cashuurta dawladda hoose laba meelood ayay ku maqan tahay run ahaan, dadka waaweyn ee macruufka ah ee la yaqaanno ama siyaasi amase ganacsade ee tijaartu ay ka mid yihiin, dadkaasi  cashuurta aad iyo aad ayay ugu daran yihiin, waxaan ka codsanayaa qof kasta oo masuula oo dalka xil ka haya ama mucaarid ha noqdo amase muxaafide, inay cashuurta lagu leeyahay ee guryahooda iyo dhulkooda, inay iska bixiyaan.”

 

“Ma qurux badna in cashuurta danyartii laga qaado adiga oo kari karayaa, ama dalkii u shaqeynayaa ama xil ka doonayaa inaad haysato oo  lagaa soo-saari waayo,  waana ceeb ayay ila tahay, adiga oo ganacsade ah oo tijaara oo Illaahey maal ku siiyay oo dadka magaaladda laga tuhmo ah, in cashuurtii yareyd ee gurigaaga iyo dhulkaaga ay soo noqnoqoto oo ay kaa soo bixi weydo, aad iyo aad ayay ceeb u tahay arrintaasi,”ayuu ku dooday Xoghayaha Dawladda hoose oo shalay u warramay qaar ka mid ah warbaahintu, waxaanu intaas ku ladhay; “Waxaan ku baraarujinayaa dadka tijaarta ah ee ganacsatada ah iyo dadka muuqda ee siyaasadda ku jira muxaafid iyo mucaarid mid xil haya iyo ku aan haynba, waxaan ugu baaqayaa in cashuurta sida danyartu isaga bixiso ay isaga soo bixiyaan.”

 

“Waxaanu soo saari doona liiska dadka cashuur diidka ah ee waaweyn, liiskaas oo  lagu sheegi doono  cidda  dadkaasi yihiin. masuul kasta oo dawladda u shaqeeya waxaannu ka codsanaynaa in uu gurigiisa cashuurta ka bixiyo,”ayuu yidhi Xoghaye Cali Xasan.

 

 

“Waa in kaadhka muwaadinka (aqoonsiga jinsiyadda) la socod-siiyo, innagaa leh, wax aynu u baahanahay weeyaan, haddii iskuul la qorayo, haddii ay shaqaale tahay, haddii adeeg loo fulinayo, haddii huteelada la seexdo ay tahay, waa in qofka  muwaadinimadiisa la caddeeyo, kaadhkani waxa uu qayb mihiima ka qaadanayaa amaanka wadanka, waana in baraha istabaha ah ee wadanka laga soo galayo dadka lagu weydiiyaa oo qofkii muwaadinka ahaa meesha uu ka yimid la ogaada oo nabad-galiyadeena ayaa ku xidhan,  waa in lagu xidho wax kasta oo la qabanayo,” ayuu yidhi  xoghaya dawladda hoose ee Hargeysa Cali Xasan Cawaale.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply