Dalka Austaraliya ayaa sheegay inay joojineyso fulinta weeraradii cirka ee ka dhanka ahaa Daacish ee Ciraaq iyo Suuriya.
Waxa ay dib ula noqoneysaa lix dayaaradood oo ah nooca loo yaqaan hornet, inkasta oo ay xustey in dayaaradaheeda shidaal siinta iyo ilaaleyntu ay sii joogi doonaan, taasna ay ka codsatey Ciraaq.
Austaraliya ayaa fulineysay howlgallo qeyb ka ahaa isbaheysiga mareykanka ee lagu bartilmaameedsanayo Daacish inka badan laba sano.
Wasaarada difaaca Marise Payne ayaa sheegtay in dhawaaqani ka danbeeyay baaqii guusha ay ka gaadhey Daacish.
Waxa ay sheegtay in Ciraaq iyo isbaheysiyada kaleba ay ka tahsanayaan go’aankan.
.
Austaraliya ayaa geysay ilaa 780 ciidan ah, kuwaasi oo qeyb ka ahaa isbaheysigii mareykanku hor kacayay.