Madaxweynaha Somaliland oo Qorshihiisa ku Bilaabay Laba Qodob oo Ahmiyad Weyn u Leh Horumarinta Dalka

0
407

Hargeysa(Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa mid ka mid ah qorsheyaashiisa u horreeya  ka dhigay tayaynta iyo daryeelka shaqaalaha dawladda.
Madaxweyne Muuse Biixi waxa kaloo uu culayska saarayaa sidii loo ilaalin lahaa saacadaha shaqada dawladda Somaliland oo ah siddeed saacadood maalintii, hase ahaatee aan  hore siddeeda loogu dhaqmi jirin.

 

Madaxweynuhu wuxuu kulan ugu yeedhay Khamiistii, masuuliyiinta Hay’adda shaqaalaha oo uu xog-waraysi kadib faray inay awooda saaraan tayaynta shaqaalaha, si dalku horumar u gaadho.
Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha dawladda, Sharmaake Axmed Muxumed, ayaa ka hadlay kulanka madaxweynuhu la yeeshay, waxaannu yidhi; “Madaxweynaha waxay hay’adda shaqaaluhu uga warbixisay waxay hay’addu u igman tahay,  waxay ku aadan tahay iyo mustaqbalka dhow waxaannu higsanayno. waxaan ka warsiinay Madaxweynaha dardargelinta, tirinta shaqaalaha dawladda si loo tayeeyo cududooda, inay lagama maarmaan tahay in la tiriyo oo cududooda iyo tiradooda iyo baahsanaantooda intaba lasoo helo.”

 

“Madaxweynuhu si weyn buu u qaatay islamarkaana uu balanqaaday inuu si degdega ah uu dib u habaynta ugu horaysa uu ka bilaabo hagaajinta shaqaalaha dawladda,”ayuu yidhi Guddoomiye Sharmaarke.
Madaxweynaha Somaliland waxa ka go’an   inuu xakameeyo musuqa ka dhasha in saacadaha shaqada sidooda looga soo bixi waayo; “Intii kulanku socday wuxuu si adag uga hadlay madaxweynuhu dabagalka saacadaha shaqada, la dagaalanka musuq maasuqa wakhtiga in shaqaalaha dawladdu ummadda adeega siiyaan wakhtigana ilaaliyaan,”ayuu yidhi Mr. Sharmaarke, waxaanu caddeeyey in madaxweynuhu amar ku bixiyey in 70-ka maalmood hay’adda shaqaaluhu ay tiro-koobayso shaqaalaha dawladda aan la qori karin hawlwadeenno cusub.

 

“Fikir wadaag, dardaaran iyo indho soo jeeda ayuu madaxweynuhu ku eegay mushaharka shaqaalaha dawladdu qaataan sida loo kobcin karo qaabka loo horumarin karo dhammaantoodba.”

Madaxweyne Biixi oo ku guulaystay doorashadii madaxtooyada ee Somaliland ka qabsoontay 13 November ee sannadkan, waxaa uu wali ku gudo jiraa dhismihii xukuumadiisa. Waxaanu toddobaadkii hore  magacaabay golihiisa wasiirrada oo ka kooban 23 Wasiir iyo 9 Wasiir ku-xigeen. Xiligii ololaha wuxuu balanqaaday inuu tirtirayo musuqmaasuqa, isagoo halku-dhig ka dhigtay “Musuqmaasuqu waa aafo qaran”  waxa kaloo uu nidar ku maray inuu  kor u qaadayo shaqo abuurka iyo sidii Somaliland ku heli lahayd aqoonsi caalami ah.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply