Qiso: Addoonkii Sayladda La Keenay Ee Boqorka Noqday!

0
578

Abu al-Misk Kafur (905 – 968, Qarnigii 10aad) waxa kale oo lagu magacaabi jiray   Al-Laithi, al-Suri, al-Labi wuxuu ahaa shaksi awood hoggaamineed iyo karti  leh, asalkiisu wuxu ahaa adoon madow oo Ethopiyaan ah waxaana iibsaday Muhammad ibnu Tughj sannadkii 923, kaasi oo ka mid ahaa cabaasiyiinta xukunka Masar iyo Suuriya hayay.  Kafue wuxu ahaa adoon karti iyo maskaxa leh.

Addoonka Kafur isagoo taagan sayladda lagu iibinayo ayay isaga addoon kale oo ay saaxiib ahaayeen  uu weydiiyay wuxu ku fikiro , waxaana saaxiibkii ugu jawaabay “ waxaan ku fikiraa inaan xabxabka oo aan jeclahay iibiyo, si aan uga dhergo oo mar walba aan u cuno. Laakiin addoonka Kafuur ayaa isna sheegay inuu ku fikiro in uu xaakimka Masar noqdo.  Muhammad ibn Tughj oo loo yaqaanaya “Akhshiid” markii uu iibsaday adoonka Kaafuur wuxu siiyay tarbiyad wanaagsan,  wuxu baraya tababarka ciidanka iyo fardaha sida loogu dagaalamo waxaana uu  noqday halyay.

Markii Muhammad Ibn Tugh uu noqday hoggaamiyaha Masar sannadkii 935 waxa uu addoonkiisa Kafur ka dhigay wasiir ka dib markii u qorshihiisa fiincan, kartidiisa iyo maskaxadiisa la tacajabay.

Haddaba Markii uu dhintay Xaakiimka Muxamad Akhshayid  sannadkii 946 waxa xukunkii boqortooyadaasi la wareegay addoonkiisa Kafur isagoo xukumayay muddo 23 sannadood ah, xilligaasi oo uu haystay laga soo bilaabo Masar ilaa iyo suuriya, waxaana u noqday hoggaamiye aad loogu kalsoon yahaya oo balaadhiyay xukunkii Akhshidiyinta.   Saaxiibkii sida taariikhdu qortay wuxu noqday isaguna xabxable. Kafur waxa u dhintay sannadkii 968.  Qof kasta waxa uu ku hamiyo marka uu ku dadaalo waa u gaadhaa xataa haddii aanu joogin dalkiisa oo uu addoon yahay.

 

Leave a Reply