QM oo Cunaqabateyno Cusub Saartey Waqooyiga Kuuriya

0
507

 

Golaha amniga ee QM ayaa ku soo rogey cunaqabateyno hor leh Waqooyiga kuuriya. Golaha ayaa si wadajir ah oo aan laheyn hal diidan ugu codeeyay cunaqabteyno adag oo cusub oo jawaab u ah tjaabadii gantaal eee u danbeysay ee ay sameysay xukuumadda Pyongyang.

Cunaqabateynahan cusub oo la ansixiyay jimcihii shalay ayaa waxa ku jiraya mamnuucidda ugu yaraan boqolkiiba 90 batroolka sifeysan ee loo dhoofiyo Waqqooyiga Kuuriya.

Xayiraadahan oo ay soo jeedisey dowladda Mareykanka ayaa loogu talogaley in lagaga hortago Waqooyiga Kuuriya inay sii horumariso barnaamijkeeda nukliyeerka.

Raashiya iyo Shiinaha oo la leh ganacsiga ugu weyn Waqooyiga Kuuriyaa ayaa taageerey oo u codeeyay cunaqabateyntan.

Kuuriyada waqooyi ayaa horeba waxa u saaraa cunaqabateyno uga yimi Mareykanka, QM iyo Midowga Yurub.

Leave a Reply