Shirkadda diyaaraddaha ee Boeing, ayaa bilowday qaab cusub oo ay u soo saari doonto diyaaradeheeda mustaqbalka, kaas oo aad uga duwanaan doona qaabka ay hadda u samaysan yihiin.
Muqaal cusub oo ay shirkaddani ku baahisay boggeeda Twitter-ka, ayay ku sheegtay in diyaaradaha ay hadda soo saarto loo beddeli doono mustaqbalka hab cusub oo aan waxba yeeli doonin cimiladda adduunka, lana saaxiib noqon doona degaanka.
19kii bishan December, ayay shirkaddu qaybisay sawirro muujinaya diyaarad madow oo ay sheegeen in ay kamid tahay noocyada ay soo saari doonaan, hase ahaatee wax tafaasiil ah kamay bixin hindisahoodan cusub.
Diyaaradan oo lagu magacaabo Mysterious Plane, ayay khubarrada samaynaysaa rumaysan yihiin in aanay wax shidaal ah qaadan doonin, kuna shaqayn doonto dab ama Electricity , kaas oo meesha ka saari doonta shidaalkii badnaa ee ay qaadan jireen diyaaraduhu.
Diyaaraddan ayaa awood u leh inay duusho 550 ilaa 740 km/ saacadiiba.
Diyaaraddan ayay ku baxaysaa lacag aad u badani , taas oo ay dawladDa Maraykanku bixisay 112 Milyan oo Gini.
Shirkadda ayaa sidoo kale ku hawlan inay samayso qalab cusub oo loogu talogalay inay isticmaalaan ciidammada waddanka Maraykanku, kaas oo lagu magacaabo XS-1, kaas oo la filayo in hawadda sare lagaga hawlgalo sannadka 2020.