Wasiirka Maaliyadda oo Bulshada u Balan-qaaday in Cashuurtooda Wax Loogu Qaban Doono

0
388

Hargeysa (Dawan)-.Wasiirka cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Yuusuf Maxamed Cabdi, ayaa bulshada u balan-qaaday in cashuurta laga qaado wax loogu qaban doono isla maraana aanay dhici doonin in cashuurta la iska cuno ama la lunsado.

 

Waxaa kaloo uu intaa ku daray in aanay ka wasaarad ahaan aanay doonayn in ay cashuurtu dadka  ku noqoto culays, kana  ka qayb qaadato sarrif bararka iyo  sicir bararka.

 

 

 

Waxaanu tilmaamay in loo baahan yahay in xoogga la saaro sidii cashuuraha kala duwan ee dalka wasaaraddu ka qaado loo dardar gelin lahaa,  loona habayn lahaa, waxaanu yidhi “Kollay dawladnimadeennu waxay ku dhisnaan doontaa xog wadaag, xog ilaalin iyo wadashaqayn hufan. Cashuuraha berriga iyo nidaamka dib u habaynta maaliyadda, waa yoolka koowaad, marka laga yimaado cashuuraha kala duwan ee ay qaado wasaaraddu ee ah cashuurta toosan iyo cashuurta dadban, waxaannu lixda bilood ee ugu horreeya xoojin doonaa cashuurta, cashuurta dadban.

 

Annagu ma doonayno in cashuurtu ay bulshada culays ku keento ama ay ka qaybqaadato sarrif bararka ama sicir barar, ma doonayno in ay cashuurtu noqoto mid la iska cuno oo aan waxba lagu qaban. Saacadaha shaqada wakhti kala duwan iyo duruufo kala gedisan ayaynu ku jirnaa, Somaliland-na sannad ba sannadka ka dambeeya ayay ka wanaagsan tahay, marka la barbar dhigo toban sanno ka hor, tusaale ahaan cashuuraha berrigu sidii ay ahaayeen, dawladdeenuna waxay ku shaqaynaysaa sarraynta sharciga, taas ayaana la innaga rabaa in aynu hirgelino, saacadaha shaqaduna waxay noqon doonaan sida uu qorayo xeerka shaqaalaha dawladdu, ummad dhan oo dhalinteedu tahay shan iyo todobaatan boqolkiiba, saddex saacadoodna ay shaqeeyaan siday ku gaadhi karaan horumar.”

 

Wasiirka Maaliyaddu wuxuu  sidaas ka sheegay xaflad lagu sii sagootiyey isla markaana shahaado sharaf lagu gudoon siiyey agaasimihii hore ee waaxda cashuuraha berriga, haatanna ah wasiirka wasaaradda horumarinta maalgashiga, Maxamed Axmed Maxamuud Cawad iyo Wasiirkii  hore ee wasaaradda maaliyadda, Marwo  Samsam Cabdi Aadan.

Waxaanay shaqaaleweynaha wasaaradda maaliyaddu labada masuul ku tilmaameen shaqsiyaad wasaaradda wax badan ka soo qabtay isla markaana la xasuusnaan doono.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply