Duufaan ku Dhufatay Filibiin oo Galaafatay Nolosha Dad Badan

0
489

Ku dhawaad 200 oo qof ayaa lagu soo warramay inay dhinteen, tiro kalena la la’ yahay, ka dib markii duufaan ay ku dhufatay koofurta Filibiin.

Kooxaha samatabixinta ayaa baadigoobaya dadkii waxyeeladu ka soo gaadhay duufaantii ku dhufatay koonfurta dalka FIlibine, halkaasi oo ku dhawaad 200 oo qof ay ku dhinteen daadad iyo dhiiqo ku soo fatahay.

Waxaa jirto baqdin laga qabo in tirada dhimashada ay intaasi ka badato.

Kooxaha samatabixinta ayaanan wali gaadhin qaar ka mid ah goobaha ay waxyeeleysay duufaantu ee jaziirada Mindaanow.

Hay’ada musiibada qaran ee Filibin ayaa hogaaminaysa howlaha gargaar, waxa ayna siinayaan biyo iyo hoy kumanaanka qof ee ku Barakacay duufaantaasi.

Dad badan ayaa la la’ayahy kadib markii duufaanta Tembin oo saacadiiba ku socotay 80 KM ay ka gudubtay Mindaanow oo dhacda koonfurta dalkaasi.

Labada magaalo ee ay sida xun ugu dhufatay ayaa kala ah Tubod iyo Piagapo, halkaasi oo tiro guryo ah ay ku fadhiisteen dhagxaan waaweyn.

Xoghayaha guud ee QM General, Antonio Guterres, ayaa sheegay in hay’adu ay diyaar u tahay inay caawiso Filibiin.

Filibiin waxaa inta badan ka dhaca duufaanno, inkasta oo aysan ku ku dhufanin Mindanao.

Sarkaal la yidhaahdo Gerry Parami oo ka mid ah booliska Tubod ayaa u sheegay wakaaladda AFP in magaaladaas ay ku dhinteen ugu yaraan 19 qof.

“Wabiga sare ayuu u kacay, guryaha badidoodna daad ayaa qaaday. Tuuladii meesha kuma taallo iminka” ayuu yidhi.

 

 

 

Leave a Reply