Gabiley: Cusbitaalka Kala-baydh oo Qarka u Saaran Inuu Xidhmo

0
389

Kala-baydh (Dawan)- Dhakhaatiirta  iyo shaqaalaha ka hawlgala cusbitaalka magaaladda Kala-baydh ee gobolka Gabiley,  ayaa cabasho xoogan ka muujiyay baahiyo fara badan oo   ka jira cusbitaalkaasi, iyadoo uu cusbitaalkaasi qarka u saaran yahay in uu xidhmo haddii aan dhakhso wax looga qaban.

Waxaanay sheegeen in baahiyahaasi ay   sababeen  in cusbitaalku uu shaqeeyo saacado kooban oo ah gelinka hore ee maalintii oo keliya, isla markaana aanay jirin wax shaqo ah oo  ka socota  gelinka danbe ee maalintii iyo xiliyadda habeenkii midnaba.

Xubno isugu jiray dhakhaatiirka iyo  kal-kaaliyeyaasha caafimaadka ee cusbitaalka tuuladda Kala-baydh ee gobolka Gabiley oo shalay HC TV  kula hadlay xarunta cusbitaalkaasi ayaa  ka dayriyay in cusbitaalkaasi uu sii shaqeeyo, isla markaana uu qarka u saaran yahay in uu xidhmo  haddii aan si degdeg ah wax looga qaban baahiyaha haysta.

Dr. Jimcaale Faarax Riiraash, oo ah madaxa cusbitaalkaasi  ayaa sheegay in dhibaatooyinka cusbitaalka Kala-baydh haysta ay ka mid yihiin, gaadiid la’aan, shaqaalaha oo aad u tiro yar iyadoo aanay qaarkood qaadan wax mushahar ama gunno ah, sidoo kale-na ay jiraan in qalabka cusbitaalku uu aad u yar yahay.

Waxaanu  ugu baaqay xukuumadda dhexe, maamulka gobolka Gabiley  iyo wasaaradda caafimaadka in wax laga qabto baahiyaha kala duwan ee cusbitaalka haysta, isagoona xusay magaaladda Kala-baydh uu ku yaallo kastamka canshuuraha oo ah isha labaad ee dhaqaalaha Somaliland.

Balse ay nasiib darro tahay in  cusbitaalkii Kala-baydh u xidhmayo  shaqaale la’aan, gaadiid la’aan, qalab la’aan iyo waxyaabo kale, halka magaalooyin kaloo dalka  ah lacago kab ah laga siiyo kastamka Kala-baydh. Waxaanu  yidhi “Xukuumadda dhexe, maamulka gobolka Gabiley iyo wasaaradda caafimaadka waxaan ka codsanaynaa in la daboollo baahiyaha  ka jira cusbitaalkani, oo ay ugu horayso in gaadiidka gar-gaarka degdega ah (Unbalance) loo sameeyo, in shaqaalaha loo sameeyo gaadiid ay ku soo shaqo tagaan, waayo badankoodu waxay ka soo shaqo tagaan magaaladda Gabiley.

Kala-baydh, waxaa ku yaalla kastamkii canshuuraha, waana meesha labaad ee dhaqaaluhu ka soo gallo Somaliland, iyadoo Gabiley ay bajet ku leedahay dhaqaalaha ka soo baxa kastamka, ayaan cusbitaalkii Kala-baydh waxba loogu darin”.

Waxa kaloo uu tilmaamay Dr. Riiraash in shaqaalaha cusbitaalka Kala-baydh ka hawl gala intoodda badani ay ka yimaadaan Gabiley, isla  markaana ay shaqeeyaan gelinka hore ee keliya taasina ay keentay in gelinka danbe ee maalintii iyo habeenkiiba  uu cusbitaalku xidhnaado.

Waxaanu yidhi  “Cusbitaalka boodhkiisa waxaa lagu sheegay in uu 24 saacadoodba shaqaynayo,  shaqaaluhu wuu tiro yar yahay, gelinka hore intii shaqaynaysay ayuunbaa joogta, kuwaasina markay 12 duhurnimo ka rawaxaan cid kaloo bedeshaa ma jirto, baabuur ay ku soo noqdaana ma jirto.

Waxaa loo baahan yahay shaqaalihii shaqayn lahaa saddexda gelin, gelinka hore, gelinka danbe iyo habeenkii sida cusbitaaladdu u shaqeeyaan.Degaankan waxaa ku badan shilalka gaadiidka, waxaana dhacda in la yimaado cusbitaalkii oo xidhan.”

 

Geesta  kale  Jimcaale Faarax Riiraash, ayaa  si gaara baaq ugu diray wasiirka cusub ee wasaaradda caafimaadka,  “Waxaan ugu baaqayaa wasiirka caafimaadka, maadaama oo degaankani Kala-baydh uu balaadhan yahay, waxaan u baahanahay in baahiyaha faraha badan ee cusbitaalkan haysta wax laga qabto.  Kuwaasoo  ay ka mid tahay shaqaaluhu ay gunooyinkoodii iyo mushaharooyinkoodii si joogto ah u helaan, in hawl wadeenadda la tayeeyo, iyo in gaadiidkii lagu shaqayn lahaa loo sameeyo,” ayuu Dr. Riiraash.

Dhinaca kale cusbitaalka tuuladda Kala-baydh ee gobolka Gabiley   waxaa  dhistay  marwadda madaxweynaha dalka jamhuuriyadda Jabuuti marwo Khadra Xayd, kaasoo muddo dhawr sanadood ah shaqaynayay.

Hase yeeshee tan iyo markii  shaqadda laga bilaabay waxaa jirtay in aanu marnaba si buuxda u fulin adeegyadii looga baahnaa, baahiyaha kala duwan ee haysta dartood. Waxaana la sheegay in aanay marnaba wasaaradda caafimaadka  iyo maamulka gobolkaasi aan ay wax xil ah iska saarin sidii cusbitaalkaasi looga shaqaysiin lahaa.

Waxaana hadda muuqata in haddii aan dhibaatooyinka haysta xaruntaasi dhakhso wax looga qaban in cusbitaalkaasi uu xidhmayo.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply