Guddoomiyaha Togdheer oo Shaqadii ka Joojiyay Isku-duwihii Caafimaadka

0
373

Burco(Dawan)- Guddoomiyaha gobolka Togdheer, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa sheegay in uu shaqadii ka joojiyay isla markaana uu ka dhigay gaadhigii wasaaradda ee uu watay Iskuduwaha Wasaarada caafimaadka ee gobolka Togdheer Dr. Yuusuf Dirir,  oo uu ku eedeeyey in uu ku kacay falal amni darro iyo xaalad abuur ah, isla markaana uu kala qayb qaybiyay shaqaalaha caafimaadka ee gobolka oo uu qabyaalad kala dhex dhigay.

 

Waxaa uu ku eedeeyay in Cusbitaalka guud ee  magaaladda Burco in uu ka shaqayn kari waayay oo uu faro galin toos ah ku hayo shaqadii maamulaha Cusbitaalka.

 

Guddoomiye Ramaax wuxuu sidaas ku sheegay  waraysi gaar ah oo uu khadka teleefoonka ku siiyay  xalay Wargayska Dawan,isagoo ku sugan magaaladda Burco.

 

Ugu horrayn guddoomiyaha oo aanu waydiinay warar hore uga soo baxay isuduwaha caafimaadka gobolka Togdheer oo sheegay in weerar lagu qaaday halisna la geliyay naftiisa,ayaa ku jawaabay. “Waxyaabaha uu sheegay oo dhan baadhitaanno ayaanu ku samaynay weerar lagu qaadayna muu jirin, cid la dagaalantayna may jirin. laakiin isaga ayaa warar aan jirin sheegay oo xaalad abuur ah muddo ayaanan wadnay baadhitaanka oo aanu dabagal ku haynay  dagaalka uu sheegay in lagu soo qaaday waxaanay noqotay waxba kama jiraan.maantana (shalay) shaqadii wasaaradda caafimaadka uu gobolka uga hayay ee iskuduwaha ahayd waan ka joojiyay. wasaaraddii uu u joogayna qoraal rasmi ah ayaanu u gudbinay.”

 

Guddoomiyaha oo aanu waydiinay sababta uu shaqada uga joojiyay,ayaa ku jawaabay. “Iskuduwuhu wuxuu ku kacay falal amni darro oo uu gobolka ku hayo iyo kicin dadweyne iyo xaalad abuur. waxaa kaloo uu faro galin iyo shaqo joojin uu ku hayaa cusbitaalka guud ee Burco oo shaqadiisa uu u madax-bannaan yahay maamulaha Cusbitaalku.  waxaa kaloo  uu qabyaalad iyo reer reer kula dhaqmay shaqaalihii wasaaradda uu madaxda u yahay arrimahaas iyo tallaabooyin badan oo kale oo nabadgelyda iyo habsami u socodka shaqada wasaaradda caafimaadka ee gobolkaba ah oo uu ku kacay ayaa sabab u noqday in aan shaqada ka joojino.”

Guddoomiyaha oo la waydiiyay intaanay shaqada ka joojin in ay wasaaradda uu masuulka uga yahay gobolka kala xidhiidheen arrintan,ayaa yidhi. “Wasaaradda marar badan ayaan kala hadalnay isuduwuhu in uu caqabad ku yahay shaqo socodsiinta heer gobol iyo degmo ee wasaaradda aadna waan uagala hadalnay waanay ka soo jawaabi wayday imikana qoraal rasmi ah ayaan u gudbinay waxaanan ka sugaynaa in ay masuul cusub u soo magacaabaan gobolka kol haddii ninkii u joogay oo falalkaas ku kacay horena waxaan wasaaradda uga codsanay in waxyaaba uu sheeganayay ay u soo diraan guddi xaqiiqo raadin ah laakiin war nagumay soo celin imikana ninkaa shaqaqii waan ka joojinay masuul cusubna wasaaradda anaan ka sugaynaa,isuduwihii shaqada laga sugayay wuxuu ka dhammaan waayay in uu dhakhaatiirta qabyaalad kala dhex dhigo oo uu reer reer u  kala qaybiyo iyo in uu TV uun taagnaado oo uu marba war aan jirin iyo kicin dadweyne ku dhawaaqo oo qabyaalad meelkasta la taagnaado gobolkuna uma  baahna nin qabyaalad u kala qaybiya ee wuxuu u baahan yahay masuul dadka isku wada oo u shaqeeya.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply