Hanti-dhawraha Guud oo Iska Difaacay Dhaliilo ay u Jeediyeen Xildhibaano ka Tirsan Wakiilladu

0
414

Hargaysa (Dawan)-Hanti dhawraha guud ee qaranka Somaliland, Siciid Saleebaan Mire,  ayaa iska difaacay  dhaliilo ay u jeediyeen qaar ka mid ah xildhibaannada Golaha Wakiillada oo ka doodayey golaha ee doraad oo ku saabsanayd xisaab xidhkii miisaaniyad-sannadeedkii 2016-ka oo golaha hortaalla.

Hantidhawraha  ayaa ku dooday in xisaab-xidhka miisaaniyad sannadeedka ay xildhibaannada Wakiiladu ka hadleen ay tahay tii sanadkii 2016-ka, isla markaana aanu isagu wakhtigaasi xilka hanti-dhawraha guud joogin.

Hase yeeshee, ay masuuliyadi ka saaran tahay in uu ka jawaabo wixii su’aallo ah ee ka soo noqda miisaaniyad-sanadeedkaasi 2016-ka oo hadda hor taalla golahaWakiillada, inkastoo aanay mudaneyaasha goluhu si cod u dul istaagin meelaha uu sida gaarka ah mad-madowga uga galay.

Hanti dhawraha oo ka jawaabayay dhaliisha  ay xildhibaannadu u jeediyeen  waxa uu yidhi “Xisaab xidhka miisaaniyadda ay xildhibaannadu ka hadleen waa xisaab xidhkii sannadkii 2016-ka, waxaana loo gudbiyay bishii lixaad ee sannadkan.   Ka hantidhawre ahaan anigu diyaarintii miisaaniyadaasi shaqadaba ma joogin, laakiin waa waajib I saaran, in aan daraasadeeyo, wixii su’aal ah ee  ka soo noqdana aan ka jawaabo, oo si sugan,  oo hufan,  oo sax ahna  aan uga jawaabo.”

 

Waxa kaloo uu intaas raaciyey; “Mudaneyaasha golaha Wakiiladu may soo dhigin su’aal cadaynaysa wasaarad gaara, oo qodobka uu yahay iyo madax-xigeenka uu mad-madowgu ka galay. Buuga oo dhamina ma wada qaldanaan karro, laakiin meello su’aalo la iska waydiin karaa way jiraan.Taana diyaar ayaan u nahay, in aanu ka jawaabno. Eedaas iyo dhaliishaasna waxaan xildhibaannada u sheegayaa in aanan anigu meeshaba joogin sanadkii 2016-kii, sanadkan 2017-kana afar bilood ayaan joogay.  Markaa wax dhib ah ma jirto, way la yarro taraartay odayaasha (xildhibaannada), iyagoon waxba hubsan.”

Sidoo kale Siciid Saleebaan Mire, oo la waydiiyay in fadhiga shalay ee golahaWakiillada oo ay xildhibaanadu codsadeen in uu hor yimaado, waxa uu sheegay in uu diyaar u yahay arrintaasi, isla markaana wixii su’aallo ah ee ay ka waydiiyaan miisaaniyad-sanadeedkii 2016-ka  uga jawaabi doonno golaha.  Waxaanu yidhi “Haa, waan hor tegayaa golaha, diyaar ayaanan u ahay in aan hor tago. Wixii su’aal ah ee la iga waydiiyo ama ku saabsan miisaaniyad sanadeedka 2016-ka, waan uga jawaabayaa.”

 

Dhinaca kale mudaneyaasha   golaha wakiillada ayaa doodii doraad,  waxay  soo jeediyeen   in sidoo kale  loo baahan in guddi loo diro si ay u soo baadhaan meelihii ay ku baxday miisaaniyadii sannadkan dhammaanaya, codsigaasi oo ay soo jeediyeen badi xildhibaannada golaha gaar ahaana guddi hoosaadka golaha wakiillada.

Si ay guddidaasi u soo caddeeyaan qaabkii uu u  dhacay xisaab xidhkii sannadkani iyo in ay is waafaqsan yihiin miisaaniyadda iyo qadarka lacagta miisaaniyadda ee ku qoran buugii ay ku qornayd shaxda miisaaniyadaasi oo hore loogu soo gudbiyay una ansixiyeen goluhu.

Xildhibaan  Maxamed Cali Xirsi, oo ka mid ahaa mudaneyaashii doodaasi golaha ka hadlay, isla markaana si weyn u falan qeeyay miisaaniyad-sanadeedkii 2016-ka ayaa sheegay in hanti-dhawrka qaranku aanu marnaba cadayn siyaabaha loo isticmaalo lacagahaasi. Waxaanu yidhi  “Hanti dhawraha guud ee qaranku, waxa uu golahaWakiillada la bartay in aynu miisaaniyadda duuduub ku ansixino, hanti dhawruhu wuxuu golaha  la bartay in uu caqligiisa iyo cilmigiisa intaas oo xildhibaan ku ciyaaro”.

Waxa kaloo uu  sheegay in aan si cad loo ogayn meesha la mariyay iyo halka ay ku bxday lacagtii kharashaadka wasaaradaha dawladda ee la joojiyay horaantii sanadkan xiligii ay abaruhu dalka ka taagnaayeen.  “Kharashaadkii wasaaradaha ee la joojiyay oo malaayiin dollar gaadhayay meel la geeyay iyo Akaawn ay taallo lama garanayo. Waxaana loo baahan yahay in gudidda golaha u qaabilsani daba gasho, oo golaha la horkeeno lana  cadeeyo halka lagu isticmaalay iyo sida loo isticmaalay.

Waxa kaloo badhitaan u baahan qasnadda dawladda oo lacagta ku jirta la ogaado, sida keliya ee aynu xukuumadda cusub ku caawin karnaa waa in guddi goluhu u magacaabo oo la soo baadho khasnadda dawladda”ayuu yidhi xildhibaan Obama.

Sidoo kale xildhibaan Baar Siciid, oo ka mid ahayd xildhibaanadii doodaasi ka qayb  qaatay waxay soo jeedisay in ay lagama maarmaan tahay in goluhu magacaabo guddi hawshaasi dabagasha.  Waxaanay tidhi “Waxaan soo jeedinayaa guddi  goluhu u xil saaro arrintaasi, in  baadhitaan la   sameeyo, in xafiisyadda dawladda la taggo, lana cadeeyo dhaqaalahaasi meelaha uu ku baxay.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply