Kulan-aqooneed loo Furay Xubnaha Golaha Wasiirrada Xukuumadda Somaliland

0
362

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan-aqooneed noociisu ku cusub yahay u furay xubnaha golaha wasiirrada xukuumaddiisa cusub, kaas oo lagaga tashanayo qorsheyaasha ay ku hawlgeli doonto mustaqbalka soo socda oo ay gundhig u yihiin buug-siyaasadeedka xisbiga KULMIYE iyo qorshaha horumarinta qaranka ee labaad (Somaliland National Plan II).

Kulankan oo ka furmay hudheelka Royal Palace ee galbeedka caasimadda Hargeysa Sabtidii, waxa ka qaybgalay madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa, dhammaan xubnaha golaha wasiirrada iyo hoggaanka Mac-hadka Hay’adaha Shaqaalaha Dawladda, waxana muddo afar maalmood ah oo uu socon doono lagu diyaarin doonaa qorsheyaasha xukuumadda cusub ku hawlgeli doonto sannadaha soo socda, gaar ahaan 120-ka maalmood ee ugu horreeya muddo-xileedkeeda, halka sidoo kale ay ku qaadan doonaan duruus la xidhiidha nidaamka shaqo ee dawladnimada iyo qaabkii ay wasaaradaha iyo hay’adaha madaxbannaan ee dawladdu u wada shaqayn lahaayeen.

Wada-shaqaynta hay’adaha kala duwan ee dawladda, nidaamintooda iyo sidii looga hortegi lahaa murug ku yimaadda hannaanka la isula jaanqaadayo, ayaa sidoo kale kulanka lagu faaqiday, waxaannu ugu horreyn madaxweynuhu faahfaahin ka bixiyey baahida loo qabo inay golaha wasiirradu noqdaan mishiinkii hoggaamin lahaa hayaanka waxqabad ee xukuumaddiisu u heensaysatay muddo-xileedkeeda.

Madaxweyne Muuse Biixi oo khudbad ka jeediyey furitaankii kulanka, waxa uu ku dheeraaday ujeeddada  shir-hawleedka loo furay Golaha Wasiirrada xukuumaddiisa cusub, isagoo sheegay in xukuumaddiisa looga fadhiyo sidii ficil loogu beddeli lahaa ballamihii xisbiga KULMIYE ololihii doorashada ku galay oo lagu lammaaneeyey qorshaha horumarinta qaranka Somaliland ee labaad, waxaannu yidhi; “Hawlaha inoo yaal way badan yihiin, waxaynuna soo galnay olole siyaasadeed, waxana aynu dadka u ballanqaadnay ballamo waaweyn innaga oo xisbiga KULMIYE ah. Barnaajim lix tiir ah oo dadku aamineen oo qurux badan baynu samaynay, waxana aynu rabnaa in barnaamijkii la furfuro, illeyn wuu koobnaaye oo 23-kaa wasaaradood mid waliba qorshaheedii la baxdo oo ay u samayso sannadle, lix-biloodle iyo saddex-biloodle ka dheegan barnaamijka xisbiga KULMIYE iyo qorshaha horumarinta qaranka ee labaad (Somaliland National Plan II), waxaynuna u baahannahay inaynu diyaarinno 120-ka (boqol iyo labaatan maalmood) ee ugu horreeya oo run ah.”

Madaxweynuhu waxa uu Golaha Wasiirrada xusuusiyey in aanay cid gooniya iyo degaanno gaar ah midna metelin, balse ay yihiin wasiirro qaran, isla markaana uu madaxweyne ahaan ku soo xushay codka bulshada Somaliland oo isku duuban, waxaanu ku adkeeyey inay ummadda si guud ugu wada shaqeeyaan.

 “Intiina i horfadhiya waxa aad Ilaahay ku mahadisaan ninna reer qudha ma soo dooran, anigana reer ima soo dooran oo qaranka oo dhan baa i doortay, labadii xisbi mucaaridna way igu raaceen, markaa reer i sheegan kara oo dabada i jiidi karaa ma jiro, qaar cod ii badiyey way jiraan, laakiin qaranka oo dhan baa i doortay oo iyagu meel wax ma geeyaan, wasiirradan halkan fadhiyanna ninna caaqil iyo odayaal iima keenin, mana ogayn cidda imanaysa, codkii ummadda ee la iidhiibay awooddiisii uun baan idinku yeedhay, waanad ka nasiib badan tihiin nin olole soo galay oo oday iyo caaqil ay hadhow u manno sheeganayaan,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo kale, waxa uu sharraxay baahida loo qabo sidii meesha looga saari lahaa  caqabadaha amni, siyaasadeed, dhaqaale iyo kuwa sharci ee guud ahaan bulshada haysta, isla markaana loo curin lahaa afkaar cusub oo lagaga hortago dhibaatooyinka dalka ka jiro.

“Kulamada noocan oo kale waa wax la innooga baahan yahay, anigana waxa werwerka ugu weyn igu haya waa marka rajada dadku meel sare gaadho oo waxa ay dadka gelisay in saddexda ama afarta bilood ee u horreeyaba aynu wax weyn beddelno, adhigii (dhoofkii xooluhu) wuu xidhan yahay, kamana hadalno. Anigu waan isku xidhayaa uun (coordinating) ee hawsha ugu badan ragga ay ku dhacayso waa idinka oo kamaandawsta aan leeyahay waxaas oo dhan ha burburiyaan waa idinka, markaa waxa aynu isku dardaaraynaa idinka iyo aniguba in waxaas ina horyaal aynu gaadhno, maxaa dhab aynu qaban karnaa oo xaqiiqo ahna u istaagno, borobogaandadana iska yarayno, kolba taagteenana tallaabsanno innaga oo daacad ah oo Ilaahay la kaashanayna, midnimana ku shaqayno, dhegna aynaan u dhigin mucaarid ayaa idin caayi ama jaraa’id ayaa idin caayi oo runta ayuun baa socotee wixii dhab ah la ogaado, mucaaridkana xaqooda ayeynu siinaynaa oo mucaaridadooda waynu u oggolnahay oo wada-shaqaynta qaranka ayeynu ka oggolnahay oo inay dhaliisheenna sheegaan, dalkana wada dhisanno,” ayuu yidhi Muuse Biixi.

 

Waxa kaloo uu ka hadlay kaftan uu xusay in laga sameeyey xukuumaddiisa; “Kaftanka halkan [xukuumadda cusub] ka soo baxay waxa la yidhi meeshii askar ayaa qabsatay oo dadka waa loo wada xiirayaa oo waxa laga wada dhigayaa askar, markaa wasiirradii ayaa lagu horreysiiyey oo loo wada xiirayaa, wayna iska wanaagsan tahay haddii madaxa la isku xiirayo iyo haddii hoob-jac la is -ciyaarsiinayaba wixii shaqo ku wada soconayso in la isugu wada tago, waxana ugu horreeya kala dambaynta iyo is-maqalka, markaa insha Allaah waxa aan codsanayaa ninowna ha sii xiiran maanta iyo berrito (shalay iyo maanta) si aan loo odhan nimankii waa loo soo xiiray, qolada bidaarta lehna koofiyado ha qaataan,” ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply