Madaxweynaha Somaliland Iyo Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI oo ku Heshiiyay Sidii ay Danta Dalka uga Wada Shaqeyn Lahaayeen

0
403

Hargeysa(Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa  shalay kulan  la isku laab-xaadhey xafiiskiisa kula la yeeshay Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo saraakiil saresare oo ka tirsan xisbigaasi.

Madaxweyne Muuse Biixi iyo Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, waxay kulankaas ku faaqideen,  sidii la iskaga laabxaadhan lahaa wixii xanaf ah ee ka dhashay doorashadii madaxtooyada ee waddanka ka qabsoontay 13kii November ee la soo dhaafay iyo sidii danta guud ee qaranka mucaarad iyo muxaafidba looga wada shaqeyn lahaa.

Kulankan waxa madaxweynaha ku weheliyey Madaxweyne ku-xigeenka, Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Axmed Cabdi Dheere iyo Xildhibaan Siciid Cabdilaahi Yasir oo ka tirsan  Golaha Guurtidda Somaliland. Halka dhinaca Guddoomiye Cirro ay kulankaas ku wehelinayeen Murrashaxiisii madaxweyne ku-xigeenka, Dr. Maxamed Cali Cabdi,  Xoghayaha  guud ee xisbigaas, Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde, Xuseen Axmed Caydiid iyo Cali Axmed Cabdi oo labaduba ka tirsan siyaasiyiinta WADDANI.

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo kulankaas kadib warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in laga wada xaajooday sidii danta guud looga wada shaqeyn lahaa, waxaannu yidhi; “Waxa maanta (shalay) isu yimmi Madaxweynihii Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi, Madaxweyne ku xigeenka madaxda xisbiga KULMIYE iyo Xisbigii WADDANI,  waxaannu ku heshiinay maadaama ay xanaftii doorashadu innaga dhammaatay, in dantii qaranka laga wada shaqeeyo,  xisbiyada mucaaridka iyo muxaafidkuba. Hawlo badan baa inoo yaala oo  u baahan inaanu wadajir uga wada shaqayno, mucaaridkuna noqdaan muraayada aan iska daawanayno oo ah kuwa na toosinaya ee wixii talo iyo tilmaan ah shaqada xukuumadda ka qaloocda toosinaya.”

“Waxaannu ku heshiinay in si qarannimo  mucaaridad wax dhisaysa ay xukuumadda ku wada shaqeeyaan, xisbiga WADDANI-na  way  balanqaadeen arrintaas. annaguna  (xukuumadda) waxaannu balanqaadnay in aanu dulqaad u yeelano toosintooda iyo tilmaantoodaba. si  hawlaha inoo yaalla aynu  si wadajir ah  uga wada shaqayno muddada dhow, waxaanay maanta  ahayd kulankii kowaad ee  wadahadalka furmay,”ayuu yidhi Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).

Sidoo kale,   Xuseen Axmed Caydiid oo u hadlay Xisbiga WADDANI, ayaa sheegay in shirkan lagaga wada hadlay in danaha dalka, si wadajir ah looga wada shaqeeyo,  waxaannu yidhi; ”Maanta oo ah 24kii December,   waxaannu Madaxweynaha,    Madaxweyne ku xigeenka iyo  kooxdiisa ugu nimid Madaxtooyada, in aanu isku aragno Waddani ahaan iyo xukuumadda xisbiga Kulmiye, islaab xaadhasho uun iyo sidii arrimaha qaranka looga wada shaqayn lahaa ayuu daarnaa kulankani, iyadoo dhinac waliba uu leeyahay waajibaadkiisii  gaarka  ah.  xisbiga Waddanina doorkiisii leeyahay haddana sidii arrimaha qaranka looga wada shaqayn lahaa baanu  ka shirnay.”

.“Wax badan oo qaran ahaan inoo wada sameeya oo mucaarid iyo muxaafid aan la kala lahayn, ayaa jira oo laga wada shaqayn karo, kolay taas ayuu kulankani  ku saabsanaa  iyo is-laab xaadhasho,”ayuu yidhi Xuseen Axmed Caydiid.

Kulankan ayaa ka dambeeyay kadib markii madaxweyne Muuse Biixi xafladii lagu caleemo-saaray 13kii Bishan uu shaaca ka qaaday inuu diyaar u yahay inuu daweeyo wixii xanaf ah ee ka dhashay doorashadii madaxtinimada. Isla markaana uu soo dhaweynayo talooyinka iyo dhaliisha togan ee axsaabta mucaaridka ah.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply