Nin Kashifay in Shirkadda Apple ay Nusqaamiso Tayada Telefoonnada iPhones-ka

0
483

Shirkadda Apple ayaa markii ugu horreysay qiratay arrin muddo laga shakisnaa, taas oo ah in ay dhinto tayada taleefoonnada iPhones-ka loo yaqaanno marka muddo la heysto.

Arrintan ayaa soo shaac-baxday kadib,  markii qof macaamiisheeda  ka midi uu shabakada Reddit ku soo qoray in uu ogaaday in taleefoonkiisa tayadiisa shaqo la dhimay, taasna  uu ku ogaaday kadib markii uu isticmaalay taleefoon kiisa la nooc  ah.

Apple waxay sheegtay in sababta ay u dhintay tayada taleefoonka ay tahay maadaamaa baytariga taleefoonka uu daciifayo muddo kadib, taasna aanay suurtogalinaynin in taleefoonka uu si xawaare sare ah u qabto adeegyadii lagu isticmaali jiray markii uu cusbaa.

Balse dadka qaar ayaa ku dooday  in sababtu ay tahay in Apple ay dadka ku dhiiri-gelinayso in ay iibsadaan noocyada  cusub ee taleefoonnada.

Baytariyada ku jira taleefoonnada iPhone, ayaa laga sameeyaa curiyaha loo yaqaanno Lithium ee birta fudud ah ee midabkeedu qalinka yahay, waxaana la sheegay in markii uu muddo joogo uu dabka ka dhaco sababtuna tahay marka la dabeynayo.

 

Waxaa xilligan doodi ka taagan tahay  in Apple ay ahayd in macaamiisha ay ku sii war-galiso tayo dhimista ay samaysey.

Waxaase jirta, in haddii qofka uu beddelo baytariga, oo uu galiyo mid cusub, in taleefoonka uu kusoo laabanayo tayadiisii hore. Chris Green oo ah khabiir xagga tijnoolajiyadda ayaa sheegay in ay ahayd in Apple ay daahfurnaan ka samayso qalabkeedda.

Rory Cellan-Jones oo ka tirsan BBC-da ayaa sheegay in shirkadda Apple ay aad u xadidayso xogta ku saabsan qalabka ay soo saarto, wuxuuna intaas ku daray in la joogo xilligii shirkadda ay daacad noqon lahayd, dadkan uga digi lahayd wax kasta oo dhacaya.

 

Leave a Reply