Hargaysa (Dawan)- Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland oo laga soo doortay gobolka Awdal, ayaa walaac ka muujiyey xaaladda uu ku sugan yahay jeelka wayn ee magaaladda Boorame.
Xildhibaannadan oo kala ahaa Axmed Barkhad Obsiiye, Xasan Muuse Hufane, Cabdi Maxamed Jaamac Gaagaale, Abubakar Cabdiraxmaan Good, Axmed Cabdi Kaahin iyo Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac, oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in kormeer ku soo mareen, cusbitaalka guud iyo Jeelka wayn ee magaalada Boorame, si ay wax uga ogaadaan xaaladda dadka halkaasi ku jira.
“Waxa aanu u nimid magaaladda Boorama annagoo ah xildhibaannadii gobalka Awdal, in aanu soo indho indhayno dhibaatooyinka ka jira gobalka, waxaana aanu soo kormeernay dhakhtarka iyo jeelka wayn ee magaaladda Boorame, waxaanu jeelka ku aragnay xaalad aad u qalafsan, mana aha meel maxaabiistu ku noolaan karaan,” sidaa waxa yidhi Xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye, oo shirkaasi jaraa’id ka hadlay.
Dhinaca kale, Xildhibaan Cabdi Maxamed Jaamac Gaagaale, ayaa sheegay in uu xaalad adag ku sugan yahay jeelka wayn ee magaaladda Boorame, waxaannu yidhi “Jeelka wayn ee Boorama xaaladiisu waa mid aad u qalafsan, qol yar ayaa waxa ku jira boqol qof, waxaana aanu booqanay jeelka wayn iyo cusbitaalka Boorame, arrintiisana waxaanu hor dhigaynaa golaha wakiillada.”
Dawannews Hargeysa office