Nin ka ganacsada maandooriyaha ayaa Booliiska Denmarka xidheen ka dib markii uu si khalad ah isagoo kiish ay ku jirto maandooriye soo koray gaadhi booliisku leeyahay oo uu qaatay taxida la kiraytso. Ninkan ayaa ku socday gurigiisa ka ganacsanayay maadnooriyaha majuna (drugs Marijuanada) ayaa degdegsanaa markii uu gaadhiga raacayay,
Ganacsdaha ayaa ka codsaday wadaha inuu qaado isagoon kor u eegin nasiib daro uu ninku darawalka eegay ayuu naxay isagoo gartay inuu booliis yahay.
Booliiska ayaa xidhay baadhisna ku sameeyay Buqshada uu ninku sitay taasi oo ay ka dhex heleen maandooriyaha.
Waxaana booliisku sheegeen in Maxkamada la taagi doono iyadoo haddii ay ku cadaato lagu ridi doono xabsi gaadhay 8 sideed sano.