Nin Tuug Ah ayaa habeen guri qoys sabool ah u soo dhacy waxaana Hurday wiil iyo Aabihii. Tuugii markii usoo galay meel kasta wuu baadhay waxbana waa ka waayay. Mar danbe wuxu arkay Kiish daqiiq ah oo meesha ku tiirsan.
Waxaana tuugu doonay inuu go’iisa ku shubto qayb ka mid oo iska tago, waa uu waayay weel uu ku dhuro, intii uu ku maqanaa weelka uu ku dhuranayo ayuu odaygii soo kacay oo go’iisa ka qaatay oo hoosta gashaday.
Markii uu tuugu soo noqday ee uu is lahaa ku shubo go’ii ayuu haddana waayay, isagoo tuugu yaaban ayuu wiilkii yaraa toosay oo ku yidhi “ Aabo wuu tuug”. Odaygii aabihii ahaana waax ugu jawaabay “ waar iska seexo, tuugna ma jooge”. Laakiin tuugii oo yaaban ayaa yidhi “ hadaanu tuug joogin yaa xaday go’aygii, inta uu iskaga cararay”.