Odayga inanta laga guursanayay ayaa saaxiibkii oo xisaabiye ahaa u sheegay inuu raaco si uu inantiisa rag ka doonayo u siiyo. Xisaabiyaha ayaa odayga saaxiibkii ah ee inanta la guursanyo dhalay ka codsaday inuu hawsha bixinta inanta u daayo.
Odayga ayaa ka ogolaaday oo ku yidhi “adigu hawsha dhan la wareegay”. Xisaabiyaha ayaa Aabaha saaxiibka la ah weydiiyay Inanta ay bixinayaan da’deeda?. Waxaan uu u sheegay inay 20 sano jirtay. Xisaabiyaha ayaa markiiba isu geeyay kharashkii ku bixi lahaa labaatan sano ee caafimaadkiisa, cuntadiisa iyo hurdada qofka marti kuu ah. Markii ay odayaashii iyo Inankii gabadh loo guurinayay yimaadeen ayuu warqad wiilka gabadha guursanaya u dhiibay isagoo ku yidhi “ Kharshakani maaha yarad , mana ah gabaati, waa kharashkii korinta, markaa horta intaasi iyada waad soo qadimaysaa. Xisaabta odoyaasha kuma jirtee”.
Wiilka oo isaga waayo arag ah kama nixin waxaana uu ug jawaabay “ waa sax, laakiin adeer waaan u baanahay in aad ka jarto mushaqaayadda hawshii ay u qabtay mudadaasi, iyo cadaymihii kharshka”. Markaad dhinac qudha arrin ka eegto, ogow dhinaca kalena waxa ka eegaya tartamaahaga. Hawl kasta fikir xeel dheer ayay u baahan tahay.