Cilmbaadhis ay samaysay jaamacadda Bristol University ayaa lagu ogaadey in dadka buur buurani ay ka farxad badan yihiin marka loo eego dadka kale .
Inkasta oo dadka buur buurani ay khatar ugu jiraan inay si fudud ugu dhacaan xanuunadda Wadne xanuunka, Macaanka iyo sidoo kalena Faaliga ayaa haddana waxay daraasaddani tilmaantay in dadkaasi ay ka farxad badan yihiin dadka kale .
Daraasadan oo lagu daabacay wargeyska International journal of Epidemiology waxa hogaaminaayey kooxda samaysay Louise Millard iyo George Davy Smith ayaa lagu sheegay in ay tijaabo ku sameeyeen dad gaadhaaya ilaa 500,000 oo qof, kuwaas oo isugu jiray rag iyo dumar, ayna u dhaxaysay da’doodu 37 iyo 73 .
Intii daraasadan lagu jiray waxa kale oo lagu ogaadey in dadka aadka u buur buurani ay aad ugu nugul yihiin inay yeeshaan dhiig kar iyo sidoo kalena macaan, in kasta oo ay haddana sheegeen in dadkaasi ay yihiin kuwa ugu degan uguna farxadda badan marka dadka kale loo eego.
Dasha Nichols oo ah madaxa Eating Disorders College oo ka mid ah Royal College of Psychiatrists ayaa tilmaamay in dadkani ay ka tagto qaybtii fikirku, taasina ay keento inay noqdaan kuwo cunto badan , sidoo kalena iska degan.
Sannadkii 2014-kii, 58% dumarka reer Britain ayaa ahaa kuwo buur buuran ama ay baruuri jidhkooda soo koraysay, halka 65% ragguuna ay ahaayeen kuwo buur buuran ama ay jidhkooda baruurtu kusoo socotay . lagu sheegay qoraal kasoo baxay maxadka National Health Service.