Jimicsi Yar Oo Aad Samaysaa Wuxuu Soo Celin Karaa Waxyaalo Badan Oo Aad Ilawday

0
570

Khubarro ka tirsan jaamacadda University of Western Ontario ayaa daraasad ay samaysay waxay ku sheegeen in jimicsigu soo celiyo waxyaalaha ay dadku ilaawaan waqtiyadda kala duwan .

Natiijadda daraasaddan oo lasoo saaray maalintii Salaasaddii ee Doraad ayaa ciwaan looga dhigay jimicsi yar oo aad samayso ayaa soo celin kara waxyaalo badan oo aad ilawday, waxaanay khubaradda daraasaddan sameeyey sheegeen in jimicsigu si weyn uga qayb qaato shaqadda maskaxda.

Sidoo kale waxay natiijadda ay soo saareen ee daraasaddaasi ku sheegeen in jimicsigu uu door weyn ka ciyaaro xalinta khilaafaadka iyo isku buuqa, isaga oo qofka ilawsiiya waxyaalo badan oo qofkaasi ku keena inay maskaxdiisu muranto ama iska hor timaado.

“ dad badan Ayaan awoodin inay sameeyaan jimicsi joogto ah, sababtoo ah iyaga oo aan hayn waqti ama jidhkooda oo aan dhamaystirnayn, ana oo taas ka duulayna ayaanu daarasadan samaynay , waxaana jirta in qofku uu fuuli karo baaskiilad oo kale, sidoo kalena uu socon karo masaafo gaaban maalintii, taasi waxay keenaysaa natiijo wanaagsan “. Sidaasina waxa yidhi mid kamid ah khubaradda samaynaysay cilmibaadhistan oo lagu magcaabo Matthew Heath.

Kooxdan ayaa intii ay ku jireen samaynta daraasadan waxay tijaabooyin ku sameeyeen kooxo dhalinyaro ah, kuwaas oo ay u kala qaybiyeen laba kooxoo, koox way fadhiisiyeen , waxaanay u dhiibeen joornaalo si ay u akhriyaan muddo 10 minute ah, halka ay kooxda kalena mudadaasi oo kale samaynayeen jimicsi .

Dhamaadkii tijaabadaasi waxa la weydiiyey koox walba su’aalo , iyada oo kooxdii samaysay jimicsigu ay si wanaagsan uga jawaabeen su’aalahaasi marka loo eego kooxda kale ee fadhiday , sidoo kalena akhriyeysay joornaalka.

Khubaraddan ayaa sheegay in natijadda daraasaddani ay faa’ido weyn u yeelan doonto dadka waaweyn, gaar ahaana kuwa uu ku dhaco xanuunka ilawgu, kuwaas oo aan in badan samayn wax jimicsi ah iyo dadka doonaaya inay maskaxda ka shaqaysiiyaan in badan.

 

Leave a Reply