Ruushka Oo Samaynaaya Ciidamo Robot Ah Oo Mustaqbalka Nasin Doona Ciidamadiisa

0
500

Khubarro ka tirsan wasaaradda difaaca ee wadanka Ruushka ayaa wada samaynta ciidamo Robot ah, kuwaas oo loogu talo galay inay bedelaan ciidamada dalkaasi Ruushka qaybo kamid ah .

Ciidamada Robots-ka ah ayaa sidoo kalena loogu talo galay inay galaan dagaalada ay ciidamada Ruushku ka wadaan goobaha dagaalka mustaqbalka, iyaga oo la dhigi doono goobaha afafka hore ee dagaalka ah.

Sidaasna waxa cadeeyey sarkaalka ugu sareeya ciidamada dhulka ee wadanka Ruushka Major General Oleg Saliukov oo u waramaayey telefishanka Russia Today oo uu qormadan kasoo xigtay wargeyska Dawan.

Generalka ayaa cadeeyey in lagu qalabayn doono Ciidamadan Robot-ka ah gawaadhi iyo hub iyaga loogu talo galay, kuwaas oo si weyn uga caawin doona ciidamada kala duwan ee wadanka Ruushka goobaha dagaalada lagaga jiro .

Sarkaalkan ayaa cadeeyey in marwalba lagu hawl gelin doono ciidamadan Robot-ka ah warbixinaha laga helo xogdoonka ciidamada Ruushka iyo sidoo kalena goobaha dagaalka ee la mari waayo ciidamada dagaalka lagula jiro ee cadowga.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidamadan oo lagu magcaabi doono Ratnik-3 ay noqon doonaan kuwo awood u leh inay ka gudbaan goobaha ay ciidamada caadiga ah ee  bani’aadmiga ahi ka gudbi kari waayaan.

Waxaanu intaasi ku daray General Oleg in ciidamadan loo xidhi doono dirays la mid ah kuwa ay isticmaalaan ciidamada Maraykanku ee aanay xabadu Karin, sidoo kalena mid walba waxa lagu hubayn doonaa hub u gaar ah isaga , iyada oo laga hagi doono goobaha laga hago diyaaradaha Drones ka ah.

Dhanka kalena ciidamada caadiga ah ee wadankaasi Ruushka ayaa iyagana lagu wadaa waqtigan dib u habayn lagu samaynaayo, iyada oo la doonaayo in ciidamada lugta lagu hubeeyo  qoryaha leh diiradda, kuwaas oo meel aad u fog wax ka dili karaaya, gaar ahaana ilaa 10 meter masaafo dhan.

Waxa kale oo la doonayaa in lagu qalabeeyo is gaadhsiin cusub oo ka duwan noocii ay hore u isticmaali jireen,iyada oo loo raacinaayo qoryo iyagana dhowaan lasoo saaray , waxa kale oo ciidamada lagu qalabayn doonaa gawaadhi aad u gaagaaban oo nooca ugu dheereeya ah .

 

Leave a Reply