Si Aada Ah Ayay Shirkaddu Iiga Nixisay!

0
466

Gobolka Pennsylvania ee dalka Maraykanka gabadh lagu magacaabo Mary Horomanski ayaa markii uu soo dhacay biilka lacag bixinta laydhka ee shirkadda adeega dabka bixisa aad u naxday.

Biilkaasi ayay ku qorayd lacag dhan $ 284 Billion. Wargeyska Erie Times-News oo gabadhan waraystay ayay u sheegtay in shoog, madax wareer iyo indho moodaabadba ay ka qaaday markii ay biilkaasi akhriday iyadoo wakhtigaasi ku mashquulsanayd laambadaha Chritmaska oo ay diyaarinaysay kuna qurxinaysay gurigeeda.

Shirkadda ayaa markii ay la xidhiidhay iyadoo aad u naxsan ka raaligelisay khaladkaasi dhinaca Computerka ah ee dhacay ee la xidhiidha qiimaha lacagta la rabo inay bixiso dhamaadka bishan Desemeber oo ah $ 284 keliya.
Afhayeenka shirkadda Mr.Durbin ayaa warbaahinta u sheegay in aanay weligeed sidan oo kale dhicin, waxaana uu mahadnaqay gabadha macmiilka ah oo uu cadeeyay inay la soo xidhiidhay oo la socodsiisay khaladka onlinka ah ee dhacay.

Leave a Reply