Dalal Wasaarado Gaar ah u Sameeyay Guurka iyo Jimicsiga

0
501

Dalka Hindiya ayaa caado u leh jimcsiga loo yaqaano Yoga.  Jimcsigan oo aad u kala duwan waa mid dhaqameed. Waxaana jira xarumo ay dadku u tagaan kuwaasi oo si nafsaani ah loogu daweeyo dadka buka.

 

Yoga dadka Hindiya badankoodu ay isticmaalaan sidaa awgeed,  xukuumadda dalkaasi ayaa wasaarad gaar ah u samaysay sannadkii 2014kii,  maadaama ay tahay mid caafimaadka jidhka iyo maskaxdaba loo adeegsado, isla markaana is dhexgalka bulshada wax badan ka tarta.  Waxaana dalka Hindiya jirta maalinta loo yaqaano Yoga oo sannad kasta la xuso. Waxaana wasiir u ah Mr Sherbad Nike.

 

Dalka Spain ayaa samaysay wasaaradda guurka, kadib markii ay dawladdu sheegtay inay yaraadeen taranka dadka Spanish-ka oo dhalashadii ubadku ay istaagtay,  kana badatay dhimashadii. Wasaaradda ayaa ku dhiirigelinaysa xaasaska ah inay ubad dhalaan oo aanay iska muddin dhasha.

Leave a Reply