Magaalo Jiriqaagu ka Qaalisan Yahay Dahabka!

0
616

Magaalo ku taalla dalka Shiinaha oo la yidhaahdo Siddiyani,  ayaa go’aansatay inay ku samayso horumarin Jiriqaaga ku nool beerahooda. Kadib markii uu dagaalka Jiriqaagu noqday mid aad loo xiiseeyo oo dhaqaale badan ka soo xeroodo.

Jiriqaaga ayaa qiimahiisu gaadhay $7660, dagaalka Jiriqaagu waa mid dhaqan ahaan uga soo jiray muddo fog degaankan. Waxaana sidaa loo samayn jiray iyadoo beeraha uu ku batay Jiriqaagu.

Maalqabeennada Shiinaha,  ayaa aad u jecel nooca Jiriuqaaga ee magaladan ku nool oo ah mid xoog badan oo si fudud uga adkaada tartannada dagaalka Jiriqaaga. Wakhtiyada Gu’ga iyo Xagaaga magaaladan 80% gacanacsigeedu waa Jiriqaaga. Magaaladda Sidiyani waa goobta ganacsiga Jiriqaaga ee ugu weyn waqooyiga Shiinaha,  waxaana uu gaadha qiimaha jiriqaaga qaarkood labadaas xilli  $ 15300.

Leave a Reply