Ciidammada Ruushka oo Sameeyey Gujiskii ugu Weynaa

0
418

Ciidammada Ruushka ayaa sameeyey gujis aad u weyn, kaas oo ay ugu talogaleen in lagu sameeyo cilmi baadhisaha lagu samaynayo badda hoosteeda, waxaana Gujiskaasi yahay mid geli karaya ilaa 14,000 oo meter badda hoosteeda ah.

Waa  markii ugu horreysay ee ay gaadhaan khubarrada Ruushku badda hoosteeda, iyada oo ay hore u gaadheen khubarro Maraykan ahaa, kuwaas oo isticmaalayey gujiskii lagu magacaabi jiray  Marianna Ditch  oo awood u lahaa inuu badda hoos u galo masaafo dhan 11,000 meters.

Sarkaal u hadlay ciidammada Badda ee waddanka Ruushka, ayaa sheegay in gujiskani noqon doono mid loo adeegsado  cilmi baadhista oo keliya, iyada oo uu ka madax-bannaanaan doono dhinaca ciidammada.

Gujiskii Marianna Ditch,  ayaa ahaa kii ugu horreeyey ee gaadha gunta hoose ee badda, iyaga oo ay saarnaayeen saddex qof oo Maraykan ahaa, kuwaas oo kala ahaa Don Willie , Swiss Jack Picard, kuwaas oo gaadhey sannadkii 1960-kii.

Waqtigaasi ka dibna waxa gaadhey badda gunteedda jilaaga   James Cameron oo 26 March ee 2012 kii gaadhey badda hoosteeda.

Kooxdan ayaa aaminsan siday u sheegeen telefishanka RT oo uu Wargeyska Dawan,  kasoo xigtay qormadan in uu  Gujiskani u saamixi doono  cilmi baadheyaasha Ruushka inay badda hoosteeda ku soo sameeyaan daraasado iyo tijaabooyin laba jeer in ka badan maalintii.

Leave a Reply