Shirkadda Apple ayaa lagu ganaaxey inay bixiso lacag dhan $11.5 doolar, iyada oo lagu eedeeyey inuu hoos u dhac ku yimid suuqeeda Telefoonka gacanta iyo sidoo kalena tayada mobile keedaba.
Ururrada u dooda xuquuqda macaamiisha ee lagu magacaabo HOP, ayaa ku eedeeyey shirkaddan iyo mataanteeda Laetitia Vassur, in shirkadda Apple ay meel kaga dhacday xuquuqda shacabka Faransiiska, kadib markii ay hoos u dhaceen tayadii mobile-ka ay keento dalkaas.
Shacabka isticmaala mobile-ka shirkadan, ayaa cabasho ka muujiyey dhowaan Beytariga Mobile kaasi , iyaga oo sheegay in aanu in badan dabka haynayn, waxaanay ururradaasi u adeegsadeen sharciga ilaalinta tayada badeecadaha lagu iibiyo waddankooda.
Waxaana lagu xukumay in ay bixiso shirkadani lacag dhan ilaa $11.5 Bilyan, sida lagu qoray wakaaladda wararka ee Reuters oo uu Wargeyska Dawan, kasoo xigtay qormadan.
Sharciga waDdanka Faransiiska ayaa meesha ka saaraya in shacabka laga iibiyo baddeecado ay tayadoodu hoosayso. sidoo kalena ay yar tahay muddada la isticmaali karaa, waxaanay dhacdadani kusoo beegan tahay iyada oo ay dhowaan uun soo saartay shirkadda Apple taleefannada iPhone 6, 6s ;lus, iPhone SE7 iyo 7, kuwaas oo xawaaraha CPU-goodu aad uga duwan yahay kuwii hore.
Muddo bil ah ka dib markii ay soo saartay taleefankaas, waxa markiiba soo baxay cilado cusub oo ahaa in aanu muddo dheer noolaan karin Beytariga taleefankani, kaas oo aan dabka hayn karayn muddadii loogu talogalay.
Shirkadda ayaa markale soo saartay taleefanno ay ka beddeshay CPU-ga , kuwaas oo ay sheegtay in ay muddo dheer hayn doonaan dabka, sidoo kalena aanu hore u bakhtiyeyn, taas oo waqtigan keentay in dacwad lagaga furo waddanka Faransiiska.