Xarun Lagu Dawaynayo Khuuradda!

0
651

Khuuradda ayaa ah dhibaato  weyn ku abuurta lammaanaha is guursada, iyadoo ah mid argagax ku gelisa  marka aanu hore qofku u maqal khuuradda, iyadoo dadka   qaarkood u fahmaan  inuu qofku sakaraadayo oo uu xannuunsanayo.

Khuuraddu waa mid   dad badani dhibsadaan, ayaa  Dr. Alexander Virt,   oo u dhashay Jarmalka  ayaa  sameeyey xarun  uu ku soo bandhigay qalab uu rajeynayo inuu xallilo dhibaatadda khuuradda. Xaruntan waxa yaalla qalab uu qofka afka kaga xidhayo, kaasi oo badhtamaha sanka gaadhaya isagoon wax dhibaato ah u keenayn. Qalabkan ayaa caawinaya in neefta qofka uga soo baado si fudud oo aan dhibaato ku keenayn.

Dhakhtarka Alxenadar Verit oo 67 jir ah, isla markaana ku takhakhusay xanuunnada hurdada, ayaa  soo ururiyay macluumaad  badan oo cajiib ah oo  ku saabsan khuuradda. Dr. Alexander, wuxuu sheegay in raggu marka ay 50 jir dhaafaan ay yihiin kuwo ka cabanaya khuuradda. Dadka soo booqda xarunta madxafkan ayaa iyagoo ku qanacsan oo aqoon ka bartay ka taga.Xarunta Khuuradda ayaa u furan dadka ka cabanaya xanuunnadan saddex maalmood toddobaad kasta.

Leave a Reply