Melania Trump oo Jaraysa Geed Taariikh ku Leh Aqalka Cad oo jiray Laba Qarni

0
410

Geed taariikh leh oo Aqalka cad ku yaalay ku dhawaad 200 oo sannadood ama haddii si kale loo dhigo laba qarni, ayaa lagu wadaa in la jaro.Geedkan, waxaa beeray madaxweyne Andrew Jackson oo ku xusayay xaaskiisa oo geeriyootay.

Xaflado badan oo taariikhi ah ayaa hortiisa lagu qabtay, sidoo kalana wuxuu ku sawirnaan jiray 20ka doolar ee Maraykanka muddadii u dhexaysay 1928 and 1988.

Laakiin khuburradu waxay sheegayaan in geedku uu nuglaaday oo   halis u yahay inuu  dhibaato keeni karo. Marwada madaxweynaha Maraykanka Melania Trump, ayaa ku baaqday in qayb wayn oo ka mid ah la jaro.

Afhayeenka Aqalka cad Stephanie Grisham, ayaa sheegay in Melania ay dalbatay in midhaha geedka la hayo si haddii ay macquul noqoto geed kale looga tallaalo isla gooobtaas.

 

Siday Baahisay BBC-du, Waxay Melania intaas ku dartay in ay go’aankaas u qaadatay in geedku uu halis gelin  karo “Dadka soo booqda Aqalka Cad iyo waaxda warfaafinta oo badanaa shirarar jaraa’id ku qabta hortiisa” markaas oo diyaaradda qumaatiga u kacda ee madaxweynuhuna ay aagaas ka duusho.

Leave a Reply